Amar laga soo saarey afduubka Soomaali lagu waayey weerarkii Westgate

Image

NAIROBI, Kenya – Maxkamad ku taala caasimada dalka Kenya ee Nairobi ayaa Khamiista maanta ah waxay amartay guddiga qaran ee ilaalinta xuquuqul insaanka wararka sheegaya in la afduubtay Liibaan Cabdullaahi Cumar.

Cumar ayaa la waayey markii 7-dii October lagu waayay in uu door ku lahaa weerarkii Al-Shabaab ee Westgate. Warbixino waxay qafaalashadda la xiriiriyeen booliska argagixiso la dirirka kuwaasoo aan ka jawaabin eedeyntaas.

Garsooraha xeerbeegtadda oo dib u dhigay xukmida laba eedeysane kuwaasoo dhacdadaas lagu helay ayaa u sheegay qareenadda Liibaan in ay guddiga kala shaqeeyaan sidii ay u kala caddeyn lahaayeen afduubka uu bileysku geystay.

"Midkeena ma helayo badqab marka aan la tacaaleyno kiisaska argagixisadda. Dhowr jeer ayaan aragnay dad la waayey markii xorriyadooda loogu celiyey in aysan jirin caddeymo la xiriirinaya argagixisadda," ayuu Francis Andayi yiri.

Andayi ayaa xoojiyey walaaca ku saabsan tobanaanka ruux ee raq iyo ruuxda lagu la'yahay. Balse wuxuu rajeeyay in baaritaankan uu xaqiiqada soo bandhigo.

"Eedeysaneyaasha kale Maxamed Cabdi iyo Xasan Xuseen waxaa xukunka lagu ridi doonaa 30-ka October, 2020," ayuu kusoo gabagabeeyay hadalkiisa.

Ku dhowaad 70 ruux ayaa ku naf-waayey weerarkii Westgate, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 kale oo ay ku jiraan ajaaniib reer Galbeed ah.

Liibaan Cabdullaahi Cumar oo kamid ahaa dad lasoo qab-qabtay todobaadyo kadib markii weerarkaas uu dhacay waxaa tuhunkiisa xoojiyey in dableyda howlgalka fulisay uu kamid ahaa walaalkiisa balse laguma helin caddeymo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM