Afwerki iyo Abiy Axmed oo markii ugu horeysay booqday South Sudan

Image
Image

JUBA, South Sudan - Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki iyo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa markii ugu horeysay booqasho ku tagey dalka South Sudan maanta oo Isniin ah, iyagoo ka soo duulay magaaladda Asmara.

Labada hogaamiye oo mudooyinkii dambe saaxibtinimadooda sii xoogeysanaysay ayaa kulanka saddex geesood ah Jubba kula leh Madaxweynaha South Sudan, Salva Kiir oo ay kawada hadlayaan arrimaha gobolka iyo danaha ay wadaagaan.

Booqashada Abiy iyo Isaias Afwerki ee Juba ayaa qaadan doonto hal maalin.

Maalintii shalay waxaa Asmara kulan ku yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo Isaias Afwerki oo si gaar ah wadahadalkooda diiradda ugu saarey colaadda South Sudan iyo qodobo kale oo xaaladda gobolka khuseeya.

South Sudan ayaa ka go'aday Sudan July, 2011 ayaa tan iyo markaasi ka socdeen dagaallo sokeeye, iyadoo dalkan ugu da'da yar Africa hodon ku yahay shidaal kaaso oo colaadda ka socota darteed loo soo saari la'ayahay.

Itoobiya ayaa ciidamo nabad ilaalin ah oo UN-ka hoostaga ka jooga South Sudan kuwaasoo ka howlgala meelaha ugu daran ee dagaalladu ay ka socdaan.

Salva Kiir ayaa sanadkii tagey heshiis nabadeed la galay mucaaradka, kaasi oo dalalka IGAD ay dhex-dhex-dhexaadintooda ku yimid, waxaana lagu wadaa in dhinacyada ay awood qeybsiga sameeyaan.

Abiy Axmed oo talada la wareegay April, 2018 ayaa ka shaqeynaya sidii dalalk Geeska Africa u midoobi lahaayeen, una sameysan lahaayeen iskaashi dhaqaale, loona soo afjari lahaa colaadaha u dhaxeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM