Ajaaniib kasoo baxsatay xeryaha Al-Shabaab oo gacanta lagu dhigay

Image
Maleyshiyaadkan tababaran ayaa u kala dhashay wadamadda Itoobiya, Tanzania iyo Kenya.

NAIROBI, Kenya - Booliska Wajeer iyo Garissa ee dalka Kenya ayaa gacanta ku haya lix qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab, sida laga soo xigtey majaladda The Star oo soo xigatay illo wareedyo ka tirsan hay'addaha ammaanka.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii laamaha ammaanka Kenya ay kordhiyeen howlgalada ay kawado xuduuda ugu weyn ee Soomaaliya oo ay ka socdaan kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

Taliska Booliska ayaa sheegay in lixda qof si gaar ah loo qabtay xilli ay isku dayayeen in ay soo galaan Kenya kadib markii la weeraray xeryaha ay ku tababartaan Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa xubno ka qorta Tanzania, Kenya, iyo Ethiopia iyagoo u ballan qaada mushaar badan, balse marka ay yimaadaan xerooyinka tababarka ayay beddelaan maskaxdooda, taasoo keentay inay u cararaan Kenya.

Yuusuf oo 38 jir ah oo u dhashay waddanka Tanzania ayaa bishii November lagu xiray degaanka Liboi ee hoostaga Gaarisa, iyadoo saddex saaxiibbadiis ah ay baxsadeen.

Shan kale oo Itoobiyaan ah ayaa laga soo qabtay xuduudka kadib markii ay ciidamadda Soomaaliya ay beegsadeen saldhigyaddii ay tababarka ku qaadanayeen, sidda ku cad xogta.

Nuur Cismaan Chawo, Suleymaan Kaduu Shaale, Maxamed Cabdulqaadir Jibich, Ridwaan Xaaji Cabdulbaasir, iyo Anwar Jamaal Xaajiwadow ayaa booliska u sheegay in la qoray oo loo qaaday Soomaaliya si ay tababar ugu qaataan ka hor inta aanay ka dagaalamin meelo kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan.

Saraakiisha Booliska ayaa hadda xogta ay ka heleen dadka la tuhunsan yahay u isticmaalaya in ay ku wanaajiyaan ilaalinta xuduudaha, gaar ahaan waddooyinka iyo meelaha ay suurtagal tahay in dagaalyahannada kasoo baxsanaya Soomaaliya ee galaya Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM