Al-Bashiir oo la xukumay, go'aana laga soo saarey in loo dhiibayo ICC

Image

KHARTUUM, Suudaan – Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa lagu xukumay laba sano oo xarig ah, sidda ay qortay saxaafadda.

Al-Bashiir, oo 75-sano jir ah, ayaa la sheegay in lagu helay musuqmaasuq, iyadoo ay jiraan kiisas kale oo wali loo haysto.

Garsooreyaasha ayaa go'aamiyey in Al-Bashiir inta uu ka dhameysanayo xukunka lagu hayn doono xarun gaar ah.

Goobtaas oo ay maamusho dowladda waddankaas ayaa ah meel ammaankeeda aad loo ilaaliyo ayna joogaan ciidamo fara badan.

Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa xukunka laga afgembiyey bishii April ee sanadkan kadib mudaaharaadyo gilgilay Suudaan.

Dacwadda lagu soo oogay Al-Bashiir ayaa ku saleysneyd lacag malaayiin Doollar ah oo laga helay hoygiisa kadib markii la riday.

Intii ay socotay maxkamadeyntiisa, Al-Bashiir ayaa sheegay in lacagtaas uu hadiyad ahaan uga helay Sacuudi Carabiya.

Eedeymaha kale ee baaqiga ku ah Al-Bashiir ayaa waxaa kamid ah dilal abaabulan iyo xasuuq ka dhacay qaybo kamid ah Suudaan.

Dhinaca kale, milatariga Suudaan oo xukunka ka tuuray Al-Bashiir ayaa shaaca ka qaadey in aysan u dhiibi doonin Maxkamadda Dambiyada Aduunka ee ICC.

ICC oo baadigoobeysa Al-Bashiir ayaa waxay ku eedeysay in uu geystay dambiyo dagaal iyo xasuuq la xiriira colaadii gobolka Daafuur ee bishii Febraayo, 2003-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM