Al Bashir: Xukuumad iyo madaxweyneyaal laguma baddalo Facebook iyo WhatsApp

Image

Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir ayaa ku jeesjeesay mucaaradka kasoo horjeeda xukuumaddiisa oo uu ku tilmaamay in ay baraha bulshada u adeegsadeen kana soo abaabuleen dibadbaxyada kadhanka ah xukunkiisa.

"Xukuumad ama madaxweyneyaal laguma baddalo WhatsApp ama Facebook. Waxaa lagu baddali karaa oo kaliya doorashooyin," ayuu u sheegay taageerayaashiisa.

Hadalkan ayuu yiri ayadoo dibadbaxyo cusub lagu qabtay magaalada caasimadda ah ee Khartoum.

Dibadbaxyada ayaa ka dhashay gunnooyinkiii lagu kabi jiray rootiga oo la jaray bishii December hase ahaatee markii dambe waxay isu baddaleen kuwo dhaliyey caro looga soo horjeedo xukunka Mr Bashir.

Xukuumadda Sudan ayaa sheegaysa in 30 qof ay ku dhinteen rabshadaha tan iyo markii qalalaasuhu uu bilowday.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ayaa gaarsiinaya tirada dhimashada in kabadan 40 qof.

Muxuu sheegay Madaxweyne Al Bashir?

Mr Bashir ayaa u adeegsaday isusoo bax ay taageerayaashiisu ka dhigeen magaalada Bariga dalkaas ku Kassala in uu ku jeesjeeso dadka siyaasaddiisa kasoo horjeeda.

Waxa uu sheegay in doorashooyin oo kaliya ay keeni karaan isbaddal lagu sameeyo xukuumaddda.

" Waa ka go'naansho iyo ballan aan ka hor qaadnay dadweynaha reer Sudan. Go'aanka waa xaq aad leediyiin oo ka imaanaya dhammaan dadka reer Sudan," ayuu yiri madaxweynuhu.

Masuuliyiinta reer Sudan ayaa iskudayey in ay xiraan baraha bulshada ee dalkaas.

Hase ahaatee dhakhtar ku sugan magaalada Khartoum ayaa BBC-da u sheegay in horraantii todobaadkan ay dadku go'doonkaas ku jabiyeen adeegsiga shabakado gaar loo leeyahay (VPN), kuwaas oo qarin kara halka qofka adeegsanayaa uu ku sugan yahay.

Madaxweyne Al Bashir, oo ku sugnaa magaalada Kassala ee ku dhow soohdinta uu dalkaasi la wadaago dalka Eritrea ayaa sidoo kale sheegay in dib loo furayo xuduudda Eritrea kadib muddo sanad ah oo ay xirnayd.

Xuduudda Waqooyi ayaa la xiray kadib markii Sudan ay xaalad deg deg ah kaga dhawaaqday labo gobol uu xuduuddaas kuyaal si looga hortago tahriibinta hubka sharci darrada ah.

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM