Al-Qahtani oo "dhambaal qaas ah" gaarsiiyey Uhuru Kenyatta

Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Ergayga Qadar ee arrimaha xalinta khilaafaadka, Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, ayaa Arbacada maanta ah wuxuu gaarey caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi.

Al-Qahtani ayaa la kulmay madaxwayne Uhuru Kenyatta. Diblumaasiga wuxuu Kenyatta ku wareejiyay dhambaal uu ka siday Amiirka Qadar, Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Twitter-ka Madaxtooyada Kenya ayaa lagu sheegay in Kenyatta uu aad ugu faraxsan yahay booqashadda wakiilka Dooxa.

"Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi wuxuu ku guddoomay dhambaal qaas ah kana amiirka dowlada Qatar, mudane Sheikh Tamim Bin Hamad Al-Thani," ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Dhambaalka Amiirka waxaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey Dr Mutlaq bin Majed Al-Qahtani, oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dawladda Qatar ee la-dagaallanka argagixisada iyo dhexdhexaadinta xallinta khilaafaadka".

Hasa ahaatee, fahfaahin buuxda loogama bixin qoraalka Madaxtooyadda Kenya waxa uu ku saabsan yahay dhambaalka iyo haddii uu yahay mid khuseeya arrimaha Soomaaliya.

Al-Qahtani ayaa Sabtida todobaadkan wuxuu socdaal ku tagay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho halkaasoo uu kula shiray madaxda Soomaaliya iyo hogaamiyeyaasha mucaaradka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM