Al-Shabaab loo xukumay weerar lagu qaadey Jaamacad oo "is-daldalay"

Image

NAIROBI, Kenya – Muwaadin reer Tanzania, Rashid Charles Mbereso kaasoo xabsi daa'in loogu xukumay doorkii uu ku lahaa weerarkii Al-Shabaab ee Jaamacadda Garrisa 2015-kii, ayaa is-dilay, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin dhowr ah.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay bileyska, 26-jirkan ayaa isku-daldalay qolka uu kaga jiray xabsiga Kamiti Maximum ee caasimadda Nairobi.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Rashid uu la noolaa dhibaato maskaxda ah had iyo goorna uu la murmi jiray maxaabiista la xirneyd.

Bishii April 2-deeda sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii dabley hubeysan ay gashay Jaamacadda Garrisa toogateynta in ka badan 140 arday ah.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas foosha xun.

Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya kaasoo in ka badan tobban sano la dagaalamaya maleyshiyaddan.

Xoogaga hubeysan oo doonaya in ay meesha ka saaraan dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku maray in ay beegsan doonan Kenya illaa dalkan dhaca Bariga Afrika uu ciidamadiisa kala bixi doono waddanka leh xeebta ugu dheer Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM