Al-Shabaab loo xukumay weerar lagu qaadey Jaamacad oo "is-daldalay"

Image

NAIROBI, Kenya – Muwaadin reer Tanzania, Rashid Charles Mbereso kaasoo xabsi daa'in loogu xukumay doorkii uu ku lahaa weerarkii Al-Shabaab ee Jaamacadda Garrisa 2015-kii, ayaa is-dilay, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin dhowr ah.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay bileyska, 26-jirkan ayaa isku-daldalay qolka uu kaga jiray xabsiga Kamiti Maximum ee caasimadda Nairobi.

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in Rashid uu la noolaa dhibaato maskaxda ah had iyo goorna uu la murmi jiray maxaabiista la xirneyd.

Bishii April 2-deeda sanadkii 2015-kii ayay ahayd markii dabley hubeysan ay gashay Jaamacadda Garrisa toogateynta in ka badan 140 arday ah.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa dusha saartay mas'uuliyadda falkaas foosha xun.

Kenya ayaa qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee nabad-ilaalinta Soomaaliya kaasoo in ka badan tobban sano la dagaalamaya maleyshiyaddan.

Xoogaga hubeysan oo doonaya in ay meesha ka saaraan dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku maray in ay beegsan doonan Kenya illaa dalkan dhaca Bariga Afrika uu ciidamadiisa kala bixi doono waddanka leh xeebta ugu dheer Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM