Al-Shabaab oo afduub ka geystay gobolka waqooyi barri ee Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Saraakiisha gobolka waqooyi barri ee Kenya ayaa sheegay in dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab ay habeenimadii Talaadada afar qof ka afduubteen ismaamulka Wajeer.

Shaqsiyaadka la qafaashay ayaa lagu tilmaamay shaqaale ku howlanaa dhismaha wadada isku xirta degaanadda Riba iyo Konton.

Cumar Beeja, gudoomiyaha bariga Wajeer, ayaa Arbacadii u sheegay wariyeyaasha in afduubka uu si gaar ah kaga dhacay tuuladda Wel Garas.

Howlwadeenada ayaa xiligga la qafaalanayey watay gaadiid iyo cagaf-gagaf, waxaana kaliya "ka badbaadey" darawalka.

Sidda laga soo xigtay Cumar, darawalka ayaa baxsaday markii dableydu waydiistay in uu ka jawaabo telefoon u soo dhacay.

Ciidamadda Difaaca Kenya oo loo daabulay meesha ay wax ka dhaceen ayaa ku raad-jooga kooxaha hubeysan.

Illaa iyo haatan ma cadda halka lagu hayo shaqaalaha, wallow warar soo baxaya ay qeexayaan in dhanka Soomaaliya loo watay.

Al-Shabaab ayaa weeraro iyo afduub ka geysata waqooyi barri Kenya, waxaana tan iyo bartamihii sanadkan gacanteeda ku jira laba dhakhtar oo u dhalatay Cuba iyo haweenay kasoo jeeda Talyaaniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM