Al-Shabaab oo "burburisay" xafiisyo dhowaan la dhisay

Image

NAIROBI, Kenya – Xafiisyo boolis oo dhowaan laga dhisay aaga Borehole 11, degaan doorashadda Mandera South ee ismaamulka Mandra ayaa habeenimadii Isniinta waxaa "lagu burburiyey weerar loo adeegsaday qarax".

Taliska Booliska Kenya oo war qoraal ah soo saarey ayaa sheegay in dhismaha lagu dhisay maalgelin ay sameysay Hay'adda maxaliga ah ee CDF.

Maleyshiyadda Al-Shabaab oo ka howlgasha aagaas ku dhow sohdinta Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen weerarkaas.

Ma jirto waxyeelo nafeed oo ka dhashay falkaas, sidda ay soo wariyeen mas'uuliyiinta iyo dadka degaanka oo tegay goobta ay wax ka dhaceen.

Iyadda oo bartilmaameedka uu yahay anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta, shaqaalaha aan degaanka u dhalan iyo mas'uuliyiinta dowladda, Al-Shabaab ayaa aalab falal noocaan ah ka fulisa gobolka waqooyi bari Kenya.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli dhowaan Taliska Booliska Kenya uu ka dhawaajiyey in dagaalameyaal Al-Shabaab oo tiradoodu gaareyso 40 kasoo talaabeen xuduudka Soomaaliya ayna qorsheynayaan weeraro xoogan.

Al-Shabaab ayaa khatar ku ah nabad-gelyada Kenya tan iyo markii xukuumadda Nairobi ay kusoo biirtay howlgalka AMSIOM, waxaana ay waddankaas ka fulisay weeraro dhiig badan ku qaatay oo qaar ka dhaceen caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM