Al-Shabaab oo gaari ah bas ah ku weerartay gobolka Lamu ee Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Maleeyshiyo looga shakisan yahay kooxda Al-Shabaab ayaa weeraray gaari ku socdaalayey gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Baska ayaa la beegsaday isagoo maraya degaanka Nyongoro, maanta oo Khamiis ah, sidduu sheegay bileyska oo tafaasiil kooban bixiyey.

Irungu Macharia, taliyaha bileyska Lamu, ayaa u sheegay wargeyska Daily Nation in Baska uu kasoo baxay Mombasa kuna sii jeeday ismaamulkooda.

Ma cadda khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka.

Bishii December, 2019, weerar jid gal ah oo Al-Shabaab ay ku beegsatay gaari bas ah oo marayey gobolka Wajeer ayaa lagu dilay toban ay ku jiraan saraakiil boolis iyo shacab.

Kenya ayaa la daalaadhaceysa weeraro ka yimaada Al-Shabaab tan iyo markii ciidamadeeda ay ku biireen howlgalka AMISOM.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku celceliyey in ciidamadda dalkiisa aysan ka bixi doonin Soomaaliya inta xididaha laga adkaanayo ururkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM