Al-Shabaab oo "gowracay mas'uul ay Kenya ka afduubatay"

Image

NAIROBI, Kenya – Taliska Booliska Kenya ayaa sheegay in ay heleen qeyb kamid ah jirka kaaliyaha gudoomiyaha degaanka Gumarey ee ismaamul goboleedka Wajeer kaasoo la tuhunsan yahay in afduubatay ay Al-Shabaab.

Cumar Aadan Buul, oo ahaa kaaliyaha caafimaadka degaanka Gumarey, ayaa madaxiisa waxaa laga helay wadada dhinaceeda. Balse bileyska wuxuu tilmaamay in ay goobayaan qeybta kale ee jirkiisa oo aysan gacanta ku dhigin.

Sidda laga soo xigtay warbixin kasoo baxdey booliska, Buul oo la qafaashay Jimcadii 18-ka bishaan December, 2020, waa la gowracay.

Dhacdadan ayaa kusoo hagaageysa xilli dhowaan uu Taliska Booliska Kenya ka digay weeraro ay Al-Shabaab fuliso ka gedaal markii in ka badan 40 dagaalameyaal ka tirsan xoogaga hubeysan ay ka talaabeen xadka.

Maleyshiyadda gacansaarka la leh shabakadda argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa bartilmaameedsaneysa Kenya tan iyo markii ay ku biirtay AMISOM.

Sidda uu wariyey wargeyska The Star, maleyshiyaddii ugu dambeysay ee ka gudubtay xuduudka waxaa hogaaminaya sarkaal lagu magacaabo Mowliid Cabdi Xuseen kaasoo dadka degaanka kula hadla tuulada Degathe.

Mowliid oo shacabka ugu khudbeeyay Masjid maxalli ah ayaa u sheegay in ay ka fogaadaan goobaha askarta joogto maadaama ay beegsanayaan.

Al-Shabaab ayaa u muuqata mid isku diyaarineysa in ay weeraro culus ka fuliso gudaha Kenya inta lagu guda jiro fasaxa ciidda Masiixiyiinta iyo dabaaldega sanadka cusub ee 2021, wallow laamaha amniga la geliyey heegan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM