"Al-Shabaab" oo hakisay mashruuc ay balaayiin ku baxeyso

Image

MAPUTO, Mozambique – Maleyshiyo Mozambique looga yaqaano Al-Shabaab balse aan gacansaarka la lahayn xoogaga Soomaaliya ayaa sabab u noqdey hakinta mashruuc ay balaayiin Doolar ku bixineyso shirkad Faransiis ah.

Mashruucaas oo ku saabsan soo saarista gaas dabiici ah ayaa laga fulinayey gobolka waqoyga waddankaas ku yaala ee lagu magacaabo Cabo Delgado.

Shirkadda Total oo fulineysa mashruuca ayaa war-saxaafadeed ay soo saartey waxay ku sheegtay in ay u baqdey badqabka xubnaha ka shaqeynaya.

Weerar 1-dii bishaan Janaayo ka dhacay tuuladda Quitunda ayaa xoojiyey baqdinta shirkadda iyo qandaraasleyda kale ee mashruucan wehliya.

"Xaaladda ammaan ee gobolka Cabo Delgado awadeed, Total waxay go'aansatay in ay hoos u dhigto tirada shaqaalaha ee tageysa goobta shaqada ka socota [oo ah Jaziiradda Afungi," ayaa lagu yiri bayaankan oo ay soo xigatay wakaaladda wararka AFP.

Sanadkii 2019-kii ayay shirkadda Total gashay heshiiska ay kusoo saareyso gaaska dabiiciga ah waxaana ay bixisay 3.9 bilyan Doolar-ka Mareykanka. Saamiga ay ku leedahay waa 26%. Sanadka 2024-ka ayaana wax-soo-saarka la helayaa.

Dagaalameyaasha gudaha Mozambique looga yaqaano Al-Shabaab ayaa gacansaarka la leh kooxda la magacbaxdey Dowladda Islaamka ee Daacish.

Sanadkii 2017-kii ayay bilowdey weerarada ay ka geystaan dalkaas. Tan iyo xilligaas, waxaa la qiyaasayaa in ay dileen in ka badan 2,400 ruux halka ay barakaciyeen tirro kor-u-dhaafeysa 570,000, sidda dowladdu shaacisay.

Sanadkii lasoo dhaafay, waxay xoojiyeen dhaqdhaqaaqooda ayaga oo qabsaday goobo muhiim ah sidda dekadda Mocimboa da Praia oo ay haystaan tan iyo bishii August, 2020. Hal tuulo ayay ku gowraceen dad ka badan 50 ruux rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM