"Al-Shabaab" oo in ka badan 50 qof ku gowracay waqoyga Mozambique

Image

NAIROBI, Kenya – Maleyshiyo hubeysan ayaa in ka badan 50 ruux ku gowracdey gobolka waqoyga waddanka Mozambique ku yaala ee Cabo Delgado, sidda ay Talaadada maanta ah tabisay war-fidiyeenka maxaliga ah.

Bogga Club of Mozambique oo soo xigtay illo wareedyo kala duwan balse uusan magcyadooda shaacin ayaa tilmaamay in dagaalameyaasha ay falkaan fuliyeen kadib weeraro ay tuulooyin ku ekeeyeen Jimcadii iyo Axadii.

Mareegga The Pinnacle News ayaa wuxuu intaas ku daray in xoogaga ay garoon kubadda cagta ah u baleen aag ay ku khaarijiyeen dadka ka caraya degaanka isla markaana goobtaas ay ku xasuuqeen kontonkaas ruux.

Dableyda, oo la rumeysan yahay in ay gacansaar la leeyihiin Daacish, ayaa falalka guracan kawada waqoyga Mozambique tan iyo 2017-kii, waxaana ay dileen isla markaana barakiciyeen boqolaal xilli ay qabsadeen magaalooyin.

Kooxdan ayaa gudaha Mozambique looga yaqaanaa Al-Shabaab, balse wax xiriir ah lama lahan ururka hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya.

Hogaankooda ayaa xusay in ay doonayaan in ay waqoyga Mozambique ka aas-aasaan khilaafo Islaami ah oo dadka ka saarta saboolnimada iyo shaqo la'aanta balse waa xeelad ay ku qoranayaan dagaalameyaal badan.

Dowladda Mozambique ayaa si ku celcelis ah ugu adkeystay in ay ku dedaaleyso sidii ay wax uga qaban lahayd ficilada argagixiso ee maleyshiyadda.

Wadamada deriska la ah Mozambique oo sheegay in ay cambaareynayaan ficilada xagjirnimo ee maleyshiyada ayaa taageero u balanqaadey xukuumadda Maputo, wallow illaa haatan dhankooda aysan qaadin talaabo muuqata.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM