Al-Shabaab oo weerar dhiig ku daatay ka fulisay gudaha Kenya

Image
Dableyda weerarka geysatay ayaa la sheegay in ay u baxsadeen dhanka xadka Kenya iyo Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay weerar ay maleyshiyaadka Al-Shabaab ka geysteen gobolka Gaarisa subaxnimadii Arbacada, sidda qortey saxaafadda.

Labadan askari iyo qof rayid ah ayaa la socday gaari ay wateen ciidamada booliska, waxaana lagu weeraray inta u dhaxeysa xerada Hayley Lapsset iyo Gaarisa.

Booliska iyo dadkii ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in dabley markii hore ay adeegsadeen walxaha qarxa oo ay la beegsadeen gaariga booliska kadib kusoo tuureen baasuuke.

Saraakiil ka tirsan bileyska oo ay soo xigatay majaladda The Star ayaa caddeeyay in kooxda weerarka geysatay ay u baxsadeen dhanka xadka Kenya iyo Soomaaliya ee u dhow.

Laamaha amaanka ayaa heegan ku jiray muddooyinkii dambe kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Al Shabaab ay qorsheynayaan weeraro halkaasi ka dhaca.

Deegaanka ayaa ku dhow xuduudka ugu weyn ee Kenya iyo Soomaaliya, kaasoo inta badan ay kasoo talaabaan maleyshiyo Al Shabaab ah oo doonaya in ay weeraro geystaan.

Dagaalameyaasha hubeysan ayaa si isdaba joog ah u beegsatay xarumaha nabad sugidda oo ay burburiyeen. Waxay mararka qaarkood tuuraan walxaha qarxa, kuwaas oo aan qarxin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM