Al-Shabaab oo weerar kale ka fulisay gudaha Kenya [Fahfaahin]

Image

GARISSA, Kenya - Labo Shirkadood oo howlo dhismo kawada magaalada Garissa ee xarunta gobolka Wqooyi bari ee dalka Kenya ayaa weerar lagu qaadey xalay, abaare 9:00 p.m. [Saddex Saac oo habeenimo].

Sida ay sheegeen saraakiisha amniga, ciidamada difaca dalka Kenya ayaa ka jawaabey weerarka kaasi oo lala bartilmaameedsadey labada shirkadaha dhisamaha ee laga leeyahay wadanka China.

Lama soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay weerarkii xalay, kaasi oo ka dhacay degaan laguu magacaabo Shimbirey, oo ku dhaw magaalada Garissa.

"Waxaan u cararnay duurka/keymaha markii weerarka nalagu soo qaadey, balse nasiib wanaag waxaa islamarkiiba si deg deg ah meesha kusoo gaarey ciidmada amniga, oo kahor tagey weerarka," ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha dhismaha.

Dableyda ayaa loo maleynayaa inay dib ugu laabteen Somalia, oo markii hore weerarka kasoo qaadeen, waxay ciidamada amaanka Kenya xoojiyeen amniga xuduuda wixii ka dambeeyay weerarkii Dusit D2 hotel ee Nairobi oo ka dhacay 15-kii bishan.

Weerarka Shirkadaha dhismaha China ayaa yimid kadib 12 saac markii kasoo wareegatay markii ciidamada xireen 3 qof oo labo kamid ah Soomaali yihiin, kuwaasoo laga soo qabtey Xerada qaxootiga Xagardheer, oo katirsan Garissa.

Dadka la qabtey oo watey saddex Bistoolad iyo 23 xabo oo rasaas ah ayaa waxaa looga shakiyay inay Al Shabaab katirsan yihiin, iyadoo laamaha amniga ay sheegeen inay dhawaan kasoo laabteen Soomaaliya, oo loo maleynayo inay tababar kusoo qaateen.

Booliska Kenya aya howlgallo ka fuliyay Xerada Dhadhaab, oo ay ku nool yihiin kumanaan qaxooti Soomaali ah si looga hortago dhalinyarada halkaasi Al Shabaab ka qoranayso iyo kuwa maalgeliya oo la rumeysan yahay inay xerada ku jiran.

Garissa ayaa dhibane u ah weerarada Al Shabaab ay ka fuliso Kenya, iyadoo weerar lagu qaadey Jaamacadda Garissa April 2, 2015 lagu dilay 148 qof oo arday u badan, iyadoo ay ku dhaawacmeen 78 ruux oo kale.

Al-Shabaab ayaa saddex weerar oo waaweyn ka geysatay kuwaasoo kala ah Wesgate Mall, Garissa University iyo midkii Dusit D2 hotel, kuwaasoo baal-madow ka geliyay taariikhda Kenya.

Sababaha Al-Shabaab weerarada ugu qaado Kenya ayay ku sheegtay joogitaanka ciidamada KDF ee ka howlgalaya Somalia, kuwaasoo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

  • Afrika

    17-05-2024

  • 03:43AM

Mareykanka oo soo farageliyay colaadda ka taagan gudaha Itoobiya

Isku-dhacan ayaa u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo falaagada fano ee gobolka Amxaarada.

  • Afrika

    16-05-2024

  • 03:34AM