Al-Shabaab oo weerar kale oo dhimasho dhaliyey ka fulisay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dabley Al-Shabaab ah ayaa aroornimadii maanta weerar kula jarmaadey saldhig boolis iyo iskuul ku yaala degaanka Sareedo oo 25 KM u jira degmada Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Iskuulka la bartilmaameedsaday ayaa ah kuwa ay ardaydu seexdaan, sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska booliska.

Charles Owino, afhayeenka bileyska, ayaa xaqiijiyey in afar qof lagu khaarijiyey weerarka, oo uu xusay in ay fuliyeen tobban dagaalame.

Ciidamada ammaanka oo iska hor-imaad la galay maleeyshiyaadka ayaa toogtay laba kamid ah kooxaha hubeysan, sidda uu tibaaxay Owino.

"Iyagoo doonaya in ay dhibaato ba'an geystaan ayaan ka hortagnay," ayuu raaciyey "waxay rabeen in ay burburiyeen anteenada shirkad isgaarsiin, balse ciidamada ayaa iska caabiyey".

Kadib falkaan oo dhacay abaare 5-tii subaxnimo, ciidamo dheeraad ah ayaa loo daabulay meesha ay wax ka dhaceen si ay amniga u sugaan.

Ururka gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa sanadihii lasoo dhaafay beegsaneysay goobaha ay bulshaddu ku badan tahay sidagoobaha ganacsiga, huteelada iyo xarumaha waxbarashada oo ay ku jiraan Jamaacadaha.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii saddexaad oo Al-Shabaab ka fuliso gudaha Kenya tan iyo bilowgii sanadka cusub ee 2020-ka kadib weerarkii jidgalka ee wadada Lamu-Mombasa iyo duulaankii xerada Manda Bay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sierra Leone: Koronto la'aan sababtay inuu shaqada ka tago wasiir awood badan

Shirkadda Korontadda laga leeyahay Turkiga ee Karpowership ayaa jartey korontada muddo todobaadyo ah.

  • Afrika

    28-04-2024

  • 04:30AM

Dowladda Burkina Faso oo xayiraad adag kusoo rogtay BBC iyo VOA

Tani ayaa ka dambeysay kaddib markii ay tabiyeen warbixin ay ku eedeysay ciidamadooda dil wadareed.

  • Afrika

    27-04-2024

  • 04:34AM