Al-Shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fulisay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya - Mid ka mid ah askarta keydka booliiska Kenya ayaa la dilay labo kalena waa la dhaawacay markii dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab ay waqooyiga-bari Kenya ku weerareen maalintii saddexaad si xariir ah.

Taliyaha booliska gobolka waqooyi bari, Rono Bunei, ayaa sheegay in weerarku uu ka dhacay goob dhisme ay ka socdeen halkaasoo dagaal yahanada ay sidoo kale gubeen labo cagaf cagafyo iyo qod qode.

Ciidamada kaydka ayaa isku dayay inay la dagaallamaan kooxihii hubaysnaa ee weerarka soo qaaday, kuwaas oo looga shakiyay inay ka soo talaabeen xadka Kenya kana yimaadeen dhinaca dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya.

Kororka weerarada argaggixiso ee ka dhaca gobolka ayaa hakiyay howgallo badan oo laga fulinayay gobolka ballaaran ee Mandheera labadii toddobaad ee la soo dhaafay.

Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhimatay dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen weeraradaas oo inta badan lagu eedeeyay kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya.

Weerarada ayaa isugu jiray bam gacmeedyo iyo kuwa toos ah oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay dhacayey si gaar ah tan iyo markii Kenya ay ciidamadeeda u kaxeysey Soomaaliya si ay ugu biiraan baacsiga Al-Shabaab.

Subaxnimadii Talaadada, ugu yaraan saddex sarkaal oo bilays ah ayaa dhaawacmay markii dabley hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen gaarigii ay wateen oo marayey degaanka Bambahowla ee ismaamulka Mandheera.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM