Al-Shabaab oo weerar khasaaro sababay ka fulisay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa weerar ay ku burburisay anteeno isgaarsiineed waxay ka fulisay aaga Sarman, ismaamulka Mandera ee waqooyi bari Kenya, sidda ay ku warantay saxaafada maxaliga.

Wargeyska The Star ayaa goobjoogeyaal wuxuu kasoo xigtay in 50 maleyshiyo ay fuliyeen weerarka ayna baxsadeen kahor inta aysan goobta imaan ciidanka.

Cali Roba, gudoomiyaha ismaamulka Mandera oo u waramay warbaahinta ayaa shaaciyey in weerarka uu dhacay goob 20 KM u jirta xadka Soomaaliya.

"Iyada oo saraakiisha ammaanka ay ka shaqeynayaan in ay xasiliyaan degaanka, Mandera waxay la kulantay weerar kale oo Al-Shabaab ay habeenkii xalay ku burburisay anteeno," ayuu Roba kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Sidda ay warisay The Star, gudoomiyaha wuxuu u muuqday mid beeninaya sheegashada dowladda ee ah in Al-Shabaab aysan ku gacan-sareyn gobolkiisa.

Illaa haatan lama soo warin khasaaro dhimasho ama dhaawac uu ka dhashay weerarkaas. Anteenada la beegsaday waxaa waardiye ka hayey ciidamadda.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii 12aad oo tan iyo bilowgii sanadkan ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha ismaamulka Mandera, waxaana wadartooda ku naf-waayey saddex qof, halka lagu afduubtay saddex kale, hantina lagu burburiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM