Al-Shabaab oo weerar khasaaro sababay ka fulisay Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa weerar ay ku burburisay anteeno isgaarsiineed waxay ka fulisay aaga Sarman, ismaamulka Mandera ee waqooyi bari Kenya, sidda ay ku warantay saxaafada maxaliga.

Wargeyska The Star ayaa goobjoogeyaal wuxuu kasoo xigtay in 50 maleyshiyo ay fuliyeen weerarka ayna baxsadeen kahor inta aysan goobta imaan ciidanka.

Cali Roba, gudoomiyaha ismaamulka Mandera oo u waramay warbaahinta ayaa shaaciyey in weerarka uu dhacay goob 20 KM u jirta xadka Soomaaliya.

"Iyada oo saraakiisha ammaanka ay ka shaqeynayaan in ay xasiliyaan degaanka, Mandera waxay la kulantay weerar kale oo Al-Shabaab ay habeenkii xalay ku burburisay anteeno," ayuu Roba kusoo qoray bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka.

Sidda ay warisay The Star, gudoomiyaha wuxuu u muuqday mid beeninaya sheegashada dowladda ee ah in Al-Shabaab aysan ku gacan-sareyn gobolkiisa.

Illaa haatan lama soo warin khasaaro dhimasho ama dhaawac uu ka dhashay weerarkaas. Anteenada la beegsaday waxaa waardiye ka hayey ciidamadda.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii 12aad oo tan iyo bilowgii sanadkan ay Al-Shabaab ka fuliso gudaha ismaamulka Mandera, waxaana wadartooda ku naf-waayey saddex qof, halka lagu afduubtay saddex kale, hantina lagu burburiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM