Al-Shabaab oo weerar saf-balaaran leh ka fulisay waqooyi-bari Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dagaalamayaal looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa weerar ka geystay saaka gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in weerarka uu ka dhacay degaanka Kamuthe oo ka tirsan ismaamul goboleedka Garissa.

Dadka degaanka ayaa u sheegay Garowe Online in dableyda ay beegsadeen saldhig boolis iyo anteenada shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom.

Wararka ayaa intaas ku daraya in la beegsaday "macalimiinta aan u dhalan degaanka" ee ka akdhowaa halkaas.

Ma cadda khasaaraha dhimasho iyo dhaawaca ee ka dhashay falkaas oo dhacay aroornimadii Isniinta maanta ah, 13-ka Janaayo, 2020.

Taliska Booliska ayaa xaqiijiyey dhacdadaan, wuxuuna sheegey in ay ciidamo u direen meesha ay wax ka dhaceen oo la sugay amnigeeda.

"Khasaaraha waxaan soo sheegaynaa kadib marka aan tirakoob sameyno," ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday magaciisa oo boolis ah.

Todobaadyadii lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa dhowr weerar ka fulisay Kenya, waxaana ay beegsatay gaari bas, saldhig iyo goob waxbarasho.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM