Al-Shabaab oo weerar khasaaro sababay ka fulisey waddanka Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Sideed qof oo afar kamid ah ay xaaladoodu culus tahay ayaa dhaawacmay kadib markii dabley lagu tuhmayo Al-Shabaab ay weerareen bas ku socdaalayey inta u dhaxeysa magaalooyinka Ceelwaaq iyo Kotulo.

Taliska Booliska Kenya ayaa tilmaamay in falkan uu ka dhacay koonfurta Mandera isla markaana ay tirokoob ku wadaan waxyeelada guud, wallow uu gabi ahaanba meesha ka saarey in uu jiro wax dhimasho shacab ah.

"Illaa haatan ma ogin khasaaraha iyo dhaawacyadda. Waqti xaadirkan lama soo sheegin dhimasho," taliye ku xigeenka booliska ismaamulka Joshua Kitakwa ayaa sidaas u sheegay wargeyska maxaliga ah ee Daily Nation.

Qof ka badbaadey weerarka lagu beegsaday baskan lagu magacaabo Makkah isla markaana labadii aroornimo ka baxay Mandera ayaa u sheegay Garowe Online in dableyda beegsatay cagaha baabuurka si uu u istaago.

"Fuustada shidaalka waxaa haleeshay rasaasta oo sidii roobka nagula rusheeyay. Darawalkii wuxuu adeegsaday xeeladiisa isagoo joojiyey markii taayarada ay ka banjareen. Dableyda way carareen iyagoo aanan dul imaan gaariga, waana wax ay mar walba sidaas sameeyaan markii ay dhacdo noocaan oo kale fuliyaan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Sidda laga soo xigtay warbixinadda war-fidiyeenka gudaha Kenya, ciidamo boolis ah oo gurmad ahaan ugu tegay ayaa soo galbiyey baabuurka.

Tan iyo sanadkii 2015-kii, xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida oo aan wali weerarkii saaka ka hadlin ayaa beegsaneysa basaska isaga kala goosha magaalooyinka waqooyi bari dalka Kenya.

Dhacdadan u dambeysay oo u muuqata mid aargoosi ah ayaa kusoo hagaageysa xilli Jimcadii todobaadkii hore ay Al-Shabaab ku weysay dagaalameyaal badan iska hor-imaad ay gobolka Gedo kula gashay ciidamadda difaaca dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM