Amniga Kenya oo la adkeeyay kahor natiijadda Maxkamadda Sare

Image
Ciidamada booliiska waxaa garab siinaya kuwa asluubta iyo kuwa illaalada duurjoogta iyo qaar kale. 

NAIROBI, Kenya - Ciidamada booliiska Kenya ayaa la galiyay heegankii ugu sareeyay, waxaana loo kala daabulay goobo cayiman ka hor inta aanan maalinta isniinta ah lagu dhowaaqin natiijadda dacwadda Maxkamadda Sare ee ku saabsan doorashadii dhacday bishii hore. 

Waxaa baqdin weyn laga qabaa in rabshado ka dhex dilaacaan qaar ka mid ah beelaha musharixiintooda ay ku loolamayaan xilka madaxtinimada Kenya. 

Ciidamada booliiska waxaa garab siinaya kuwa asluubta iyo kuwa illaalada duurjoogta iyo qaar kale. 

Safaaradda Maraykanka ayaa shalay ka digtay in meelo ay ka mid tahay magaalada Kisumu oo ay ku badanyihiin taageerayaasha Raila Odinga laga filan karo rabshado, sidaasi awgeedna muwaadhiniinta Maraykanka ayaa looga digay in ay halkaasi u safraan.

7 garsoore oo fadhiya Maxkamadda Sare ayaa maalmahan waday dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah doorashadii dhacday oo Raila Odinga uu sheegay in lagu shubtay, iyada dhinacyada oo dhan ay soo bandhigayeen caddaymaha ay hayaan. 

Dhagaysiga dacwadda ayay dadka kala socdeen idaacadaha la iska arko.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM