Angola: Haweenayda ugu taajirsan Afrika oo wajahaysa xarig

Image
Isabel dos Santos oo uu dhalay madaxwayne hore ayaa loo jaray waaran la doonayo in lagu soo qabto.

LUANDA, Angola - Mas'uuliyiinta Angola ayaa doonaya in la soo xiro Isabel dos Santos, oo ah gabar uu dhalay madaxweynihii hore ee dalkaas, sida uu u sheegay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka wakaaladda wararka ee dowladda.

Isabel, oo loo aqoonsadey haweenayda ugu taajirsan guud ahaan qaaradda Afrika, ayaa, sida uu ku eedeeyay Hélder Pitta Grós, waxay lacagta ka sameysay hantida dadweynaha.

Grós ayaa xusay in ay booliska caalamiga ah ee  Interpol ay u kaashan doonan soo qabashadda Isabel kadib markii "ay ku guuldareystay in ay hor-timaado baareyaasha si su'aallo loo waydiiyo".

Interpol ayaa soo saarta ogeysiis ku wajahan hay'adaha ammaanka aduunka kaasoo ku wajahan soo qabashada qof la raadinayo. Balse, ilala haatan ma jiro wax ogeysiis ah oo ku wajahan Isabel.

Waaranka haatan loo jaray soo qabashadda Isabel ayaa yimid kaddib sannado baaritaanno ay mas'uuliyiinta Angola ku hayeen hantida ay urursatay intii uu aabbaheed, José Eduardo dos Santos, oo dhintay bishii Luulyo, uu ahaa madaxweynaha.

Muddadii 38-da sano ahayd ee uu aabaheed xafiiska joogay waxaa lagu calaamadeeyay eedeymo musuqmaasuq oo fara badan. Xilka madaxii hore ee shirkadda saliida ee dowladda ayay baneysay 2017-kii kadib markii uu madaxwayne noqdey João Lourenço.

Mr. Lourenço ayaa wacad ku maray in uu la dagaalami doono wax uu ku sheegay musuqmaasuqa la cadaadeystay, dawladdiisuna waxa ay si degdeg ah u bartilmaameedsatay carruurta mas'uulkii ka horeeyay.

José Filomeno dos Santos, oo ah wiilka madaxweynihii hore, ayaa 2020-kii lagu xukumay shan sano oo xarig ah kadib markii lagu helay in uu lunsaday aduun $500 milyan oo doolar oo ka timid sanduuqa madax banaanida Angola.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM