Arday 14-sano jir ah oo u dhintay haraanti uu ku dhuftay macalin

Image

NAIROBI, Kenya - Arday ilmo yar ah oo dhigta fasalka 6aad ee Dusiga hoose ee Mikuyuni, kaasi oo ku yaalla magaalada Kibwezi, wadanka Kenya ayaa u dhintay haraanti uu ku dhuftay macalin, sida ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah.

Marxuumka oo 14-sano jir ahaa ayaa markii ugu dambeysay oo uu neefsado waxay ahayd goortii la keenay Isbitaalka ku yaala ismaamul goboleedka Kibwezi Amref halkaasi oo daaweyn loo geeyay.

Ben Chagulo, taliyaha booliska magaalada, ayaa sheegay in laamaha amaanku ay baaritaan ku bilaabeen waxa dhaliyay geeridaan lama filaanka ah ee ku timid ardayga.

"Waa xaqiiqo in ku dhintay ardayga iyada oo la badbaadinayo, balse waxaan baaris ku wadnaa waxa noola sheegay in ay keentay geeridiisa," ayuu taliyuhu yiri, sida ay sheegayso majaladda Daily Star.

Taliyaha oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray in warbixinta natiijada baaritaankooda ay kusoo bandhigi doonan cida falka sameysay.

"Ma dooneyno in aan raacno hadal-heynta, sidaasi owgeed, aanu ka war sugno natiijada kooxda baarista wada," ayuu Ben Chagulo daba dhigay hadalkiisa.

Xiisad ka dhalatay naxdinta waalidka iyo maamulka ayaa ruxday Isbitaalka, kuwaasi oo rabay in ay akhbaar ka helaan waxa dhacay.

Meydka ayaa la dhigay qaybta lagu keydhiyo meydadka ee Isbitaalka, halkaasi oo baaqi kusii ahaan doono inta ay baarayaashu kasoo gabageynayaan howlgalkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM