Askar Kenyan ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay qarax

Image

NAIROBI, Kenya - Sarkaal boolis ayaa lagu dilay saddex kale way ku dhaawacmeen waqoyga Kenya markii gaarigooda uu qarax ku dulmaray meel ku dhow xadka Soomaaliya, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ammaan.

Isaga oo warbaahinta la hadlaya, Rono Bunei, taliyaha booliska gobolka oo nasiib daro ku qeexay weerarkan, ayaa sheegay in dhaawacyadda loo qaadey isbitaal, wuxuuna shacabka ka codsaday taageero.

Saraakiil ammaan ayaa sheegay in weerarkan ay tuhunsan yihiin in ay ka dambeeyeen maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo kasoo talaabay dhanka xuduudka Soomaaliya ayna dib ugu laabtaan halkaas.

Balse, ma jirto sheegasho rasmi ah oo illaa haatan kasoo baxdey ama lasoo mariyey warbaahinta ku hadasha afka xoogaga gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida

Kenya ayaa ciidamo dheeraad ah ku daabushay degaanada ku dhow xuduudka sababo ku aadan weeraro ka dhacay halkaas muddooyinkii ugu dambeeyay.

Todobaadkii hore, bileyska ayaa dilay laba dagaalame oo looga shakisan yahay Al-Shabaab, waxaana ay soo xireen saddex kale ayaga oo kasoo furtay hub kadib howlgal ay ka sameeyeen aggaas markii la qarxiyey.

Dagaalameyaasha ayaa lagu waramay in ay burburiyeen tobanaan anteenooyin oo ay leeyihiin shirkadaha isgaarsiinta gobolka waqooyi barri gaar ahaan degaanada Mandera oo ku dhow xuduudka Soomaaliya.

Horaantii asbuucan, waaxda difaaca Kenya ayaa shaacisay in ay 118 gaadiid nooca gaashaaman ay kasoo iibsan doonto Turkiga kuwaas oo ku fadhiya aduun lacageed dhan 70 milyan Doolar-ka Mareykanka.

Al-Shabaab ayaa aalaaba waxay adeegsataa miinooyinka waxaana ay si gaar ah u beegsataa saraakiisha amniga ee ka howlgala xuduudka Soomaaliya iyo Kenya. Howlgaladaas roonada ah waxaa lagu sugaa amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM