Askar Kenyan oo lagu dilay weerar lagu tuhmayo Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya - Sarkaal ka tirsan booliska Kenya ayaa sheegay in 7 askari looga dilay midna lagu la'yahay gobolka Lamu kadib markii ay la kulmeen weerar jidgal iyo qaraxyo oo lagu tuhunsan yahay Al-Shabaab.

Weerarka ayaa dhacay maalmo un ka hor inta uusan Madaxweyne Uhurro Kenyatta uusan Khamiista maanta ah daahfurin deked ay ku kacayso malaayiin doolar oo laga hirgelinayo gobolka sohdinta dhaca ee Lamu.

Sarkaalka bilayska ah, oo hadlayay Arbacadii, wuxuu ku adkeystay in aan magaciisa la shaacin sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo saxaafadda, maaddaama millatariga Kenya uusan baahin khasaaraha soo gaara.

Milatariga ayaa sheegay in askartu ay ku jireen howlahooda caadiga ah deegaanka Baure ee maamula Lamu lana weeraray subaxnimadii Talaadada kadib markii gaarigooda qarax lagula eegtay wadada Bodhei-Kiunga.

Al-Shabab waxay wacad ku martay inay ka aargudan doonto Kenya markii ay ciidamadeeda u soo Soomaaliya dirtay si ay u taageeraan dawlada federaalka sanadka markii uu ahaa 2011-kii.

Tan iyo xilligaas, dalxiiska oo ahaa mid kamid ah ilaha dakhliga ee Kenya ayaa hoos-u-dhac weyn ku yimid, waxaana waddankaas ay Al-Shabaab ku qafaalatay ajaaniib qaarkood wali ay haysato qaar sii deysay.

Horaantii bishaan, ugu yaraan labo qof ayaa lagu diley gobolka Lamu oo ku dhow xadka dhanka bari ay Kenya kala wadaago Soomaaliya markii baabuurkooda uu dul maray qarax looga shakisan yahay in Al-Shabaab.

Weerarkii labaad muddo labo bilood gudahood ah lala beegsado mid kamid ah gawaarida sahayda geynaysa goob dhismo ah halkaas oo ay Kenya ka dhisayso xayndaab iyo dhufeysyo xadka Soomaaliya si ay baajiso weerarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM