Askar lagu laayey qarax xoogan oo ka dhacay gudaha Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Ugu yaraan laba askari ayaa ku geeriyootay, saddex kelana way ku dhaawacmeen kadib markii qarax Miino oo lagula eegtay gobolka Wajeer.

Qaraxa ayaa haleelay gaari ay la socdeen ciidamadda oo ku socdaalayey inta u dhaxeysa degaanadda Kutolow iyo Qorof Caraar ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Saraakiisha amaanka ayaa xaqiijiyey in askarta dhaawaca ah loo duuliyey Nairobi, magaala madaxda waddanka Kenya.

Askarta lagu beegsaday weerarkan ayaa ka tirsanaa milatariga gaar ahaan guutada loo yaqaano argagixiso la dirirka.

Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas'uuliyadda falkaas, hase ahaatee, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay ururka Al-Shabaab.

5-tii bishaan December, 2019, ayay ahayd markii isla goobtan lagu dilay shan askari, isla markaana lagu dhaawacay tirro kale kadib qarax Miino.

Weerarkaan ayaa wuxuu kusoo aadaya xili mas'uuliyiinta Wajeer ay todobaadkii hore la kulmeen dhigooda Soomaaliya ee gobolka Gedo si looga hortago weerarada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM