Askari kusoo jeeday Soomaaliya oo shil diyaaradeed ku dhintay

Image

NAIROBI, Kenya – Askari kasoo howlgalay Soomaaliya ayaa kamid noqdey laba qof ku dhintay shil diyaaradeed oo Isniintii lasoo dhaafay ka dhacay Machakos, oo koonfur-bari ka xigta caasimada Kenya ee Nairobi.

Ruuxa kale ee shilkaas ku geeriyooday ayaa isana ahaa askari kale. Waxaa lagu kala magacaabayey Robert Mumu iyo Jacob Agunda. Ciidamadda cirka Kenya ayay kawada tirsanaayeen si gaar ah duuliyeyaasha.

Roberto oo ahaa Gaashaanle 32-jir ah ayaa maanta lagu aasay tuulada Miumbuni oo ka tirsan magaaladda Kitu, bariga waddanka Kenya.

Xilli shilka ay galeen iyagoo ka yimid Nairobi kuna sii jeeday Garissa, Robert Mumu ayaa qorsheynayey in marka uu gaaro Garissa uu uga sii gudbo Soomaaliya si uu u guto waajibaadkiisa rasmiga ah ee Qaranka.

Howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya ee Midowga Afrika [AMISOM] ayuu kamid ahaa. Saaxiibadii waxay sheegeen in ay ka naxeen geeridiisa, iyagoo ehelkiisa iyo qoyskiisa u rajeeyay bedel wanaagsan.

Wargeyska Daily Star ayaa ku waramay in dhowaan ay kala tageen xaaskiisa oo aan wax caruur ah u dhalin kadib khilaaf soo kala dhex-galay. "Bilooyin kahor geeridiisa ayaa la heshiisiiyey," ayuu shaaca ka dhigay.

"Wuxuu ahaa ubadka afaraad ee qoyskiisa. Wuxuu laf-dhabar u ahaa reerkiisa oo ku tiirsanaa," ayaa la raaciyey warbixinta joornaalka.

Kenya ayaa ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya 2011-kii si ay u baajiyaan weeraradda Al-Shabaab oo sii kordhay tan iyo xilligaas. Balse, waxaa qorshuhu yahay in ay hayaamaan sanadka nagu soo fool ee 2021-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM