AU-da oo shaacisey mowqifkeeda qiraalka Itoobiya ee shilkii Berdaale

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika ayaa hoos u dhigay qiraalka ciidamadda Itoobiya ee aan kamid ahayn howlgalka AMISOM ay ku sheegeen in ay soo rideen diyaaraddii African Express ee ku dhacday Berdaale.

Smaïl Chergui, wakiilka AU-da u qaabilsan Amniga iyo Nabadda, ayaa tibaaxay in ay sugayaan natiijadda kasoo baxday baaritaanka.

"Xaaladan lagu jiro waa mid dhicis ah, xitaa ma gaari karno gabagabada ah cidda mas'uulka ka ah," ayuu u sheegay New York Times.

Mr. Chergui ayaa carabka ku adkeeyay in taliska AMISOM aysan waaya aragnimo u lahayn in ay qeexaan sababta riday diyaaradda.

"Ma garan kartid sababta uu duuliyuhu uga yimid Galbeed-Bari," ayuu ku daray: "Waxaa jiro waxyaabo badan oo xisaabta lagu darsan karo".

Warbixin loo diray xafiiska taliyaha ciidamada AMISOM oo warbaahintu heshay ayaa caddeysay in ciidamada Itoobiya ay soo rideen diyaaradda kadib markii ay uga shakiyeen in ay damacsan tahay is-qarxin.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu tilmaamay in ciidamada aysan haysan ogeysiis isla markaana ay kasoo gashay garoonka jiha qaldan.

Sikastaba ha ahaatee, baaritaanka socda ayaa qorshuhu yahay in lagu soo gabagabeeyo muddo 48 maalmood ah, sidda ay mas'uuliyiintu sheegeen. Lix qof oo laba duuliye ay ahaayeen ayaa ku geeriyooday shilkaas naxdinta leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM