AU oo baaq kasoo saartey xurgufta Soomaaliya iyo Kenya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DJABUUTI, Jabuuti – Ururka Midowga Afrika ayaa markii ugu horeysay wuxuu si furan kaga hadlay xiisadda ka dhex-aloolsan dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya ee sababay in Muqdisho ay xiriirka u jartay Nairobi.

Muusa Faki, gudoomiyaha African Union [AU] oo ka hadlay shirka Urur Goboleedka IGAD uga furmay Jabuuti, ayaa ugu baaqay labadan waddan in ay miiska wadahadalka ku dhameeyaan xurgufka dhextaala.

Hogaamiyeyaasha IGAD ayuu ka codsaday in ay "ku dhiirageliyaan" labaddan dal in ay wadaxaajoodku yahay qaabka kaliya ee xal lagu heli karo.

"Waxaan in aan xusuusanaa in Kenya ay kamid tahay wadamada ciidamadda ugu deeqay howlgalka AMISOM, waxayna sidoo kale martigelisay bulsho Soomaaliyeed oo aad u badan oo qaxooti ah; waxaan hubaa in xiriirkaasi weyn ee u dhaxeeya labadan waddan iyo shucuubtooduba ka weynaan doono khilaafka iyo caqabadaha haatan jira," ayuu ka sheegay furitaanka shirka.

Is-mari-waaga diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa kamid ah ajendayaasha ugu muhiimsan ee shirka IGAD kaasoo furitaanka ay ka hadleen madax kooban kadib saxaafadda dibada looga saarey.

Lama ogga sababta keentay saaritaanka war-fidiyeenka iyo martida kale. Balse, wuxuu ahaa qodob saacado dib-u-dhigay furitaanka shirka oo lagu madalsanaa in gelinka hore ee Axada maanta ah in uu si rasmiya u bilowdo.

Muqdisho ayaa ku eedeysay Nairobi "xadgudub joogto ah oo dhanka madax-banaaida iyo faragelinta arrimaha gudaha si lamida doorashooyinka". Kenya waxay gaashaanka u daruurtay dhamaan eedeymahaas culus.

Gabagabada, shirka IGAD ayaa lagu waddaa in madaxda kasoo saarto war-murtiyeed ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aadan khilaafyada jira si gaar ah xiisada Soomaaliya iyo Kenya si lamid ah colaadda gobolka Tigray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM