Banaanbaxyaal dab qabad-siiyey dhismaha baarlamaanka Libya

Image
Dibad-baxayaasha ayaa ka gadoodsan kororka qiimaha nolosha iyo xasilooni darro siyaasadeed.

TRIPOLI, Libya - Dibadbaxayaal ayaa xoog ku galay xarunta baarlamaanka Liibiya ee ku taalla bariga magaalada Tobruk, waxaana la sheegay inay dab qabadsiiyeen qeyb ka mid ah dhismaha.

Sawirro la soo dhigay online-ka ayaa muujinayay qiiq badan iyadoo dibad-baxayaashu ay dibadda ku gubeen taayiro. Magaalooyinka kale ee Liibiya waxaa ka dhacay isu soo baxyo looga soo horjeedo kor u kaca qiimaha iyo xasilooni darada.

Magaalada caasimadda ah ee Tripoli oo ay ka taliyaan maamul ay iska soo horjeedaan ayaa dibadbaxayaashu waxay ku baaqeen doorasho daahfuran oo ku qabsoonta si nabad ah.

Dalabkooda waxaa taageeray madaxa xukuumadda midnimada ku meel gaarka ah, Abdul Hamid Dbeibah, oo sheegay in loo baahan yahay in dhammaan hay'adaha dalka wax laga beddelo.

Qalalaasahan ayaa imaanaya maalin kadib markii ay Qaramada Midoobay oo garwadeen ka ahayd wadahadallo lagu gogol xaarayay in doorashada lagu qabto ay ku dhamaadeen wax yar oo horumar ah.

Liibiya ayaa waxaa ku jirtay fowdo tan iyo markii uu dhacay kacdoonkii NATO taageertey sanadkii 2011-kii ee xilka looga tuuray hogaamiyihii mudada dheer xilka hayay Mucamar Al-Qadaafi.

Dalka saliida qaniga ku ah ayaa mar lahaan jiray mid ka mid ah wadamadda ugu sarreeya dhinaca nolosha ee qaaradda Afrika gaar ahaan dhanka daryeel caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM