Bandow lagu soo rogay qeybo kamida Kenya xili ay jirto cabsi weeraro

Image

NAIROBI, Kenya – Iyaddoo ay jiraan digniin ay bixinayaa macluumaadyo laga helay laamaha sirdoonka oo ku aadan weeraro ay Al-Shabaab qorsheynayso ayaa lagu waramayaa in qeybo kamid ah Kenya lagu soo rogay bandow.

Bandowgan oo dadka degaanka faraya in ay ku negadaan hoygooda iyo in aysan dhaqdhaqaaq badan sameyn ayaa si gaar ah u sameeyay tuulada Ras Kamboni ee gobolka Lamu oo xuduud la leh Soomaaliya.

Jaraa'idka The Star ayaa kasoo xigtay shaqsiyaad halkaasi ku sugan in ciidamada ammaanka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ay sameynayaan howlgalo aan kala joogsi lahayn.

Saraakiisha oo diiday in ay ka warbixiyaan howlgalada ayaa tilmaamay in ay u gaarsanayaan dagaalameyaal ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo ay warbixinadu tibaaxayaan in ay gudaha u soo galeen degaanka.

Xogaha laga helayo hay’addaha nabad-gelyadda ayaa soo jeedinaya in xubnaha xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ay gudaha tuulada ku diyaarinayaa weeraro.

Tafaasiisha macluumaadka sirdoonka ayaa daboolka ka qaadeysa in weerarada lagu beegsan karo gaadiidka rakaabka, goobaha ay dadku kulmaan iyo ciidamada wada roondooyinka amni-xaqiijinta ah.

Fahfaahinta oo soo baxday horaantii bishan ayaa intaasi raacineysa in magaalooyinka ay Al-Shabaab weerarada u qorsheysay ay kamid yihiin Nairobi, gaar ahaan goobaha caanka ah.

Todobaadkii hore, booliska Kenya ayaa shaaciyey in ay dileen saddex dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaasi oo ay xuseen in ay walxo qarxa ay dhigayeen waddo ku taala degaanka Kiunga ee is-maamulka Lamu.

Daqiiqo kadib markii ay dhigeen miinadda ayaa la sheegay in ay qaraxday, taasi oo keentay dhaawaca laba sarkaal oo ka tirsan bileyska Kenya.

Al-Shabaab ayaa ahayd khatarta ugu balaaran ee ammaanka Kenya ayaa tan iyo markii ciidamada waddankaasi ay soo galeen Soomaaliya, oo ay ka tirsan howlgalka nabad-ilaalinta ee Midowga Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Rwanda ku eedeeyay duqeyn lala eegtay xero barakac

Ciidamada Kongo iyo xoogaga M23 ayaa midba midka kale ku eedeeyay weerarka.

  • Afrika

    05-05-2024

  • 08:17AM

Turkiga oo ku biiraya dacwad ciqaabeed ka dhan ah Yahuuda

Koonfur Afrika ayaa kiiskan horey uga furtey Maxkamadda ugu sareysa Qaramada Midoobay.

  • Afrika

    02-05-2024

  • 05:39AM