Bandowga Ebolaha: Uganda oo soo xaglo laabanaysa

Image
Madaxweyne Musavani ayaa dhanka kale mamnuucay in dadka dawo dhireedka wax ku daaweeya.

KAMPALA, Uganda - Qeylo-dhaanta cudurka Ebolaha iyo faafitaankiisa ayaa aad isu soo taraysa xilli foojignaanta laga qabo ay aad u yaryahay guud ahaan gobolka Bariga Afrika oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

Balse dowladda Uganda ayaa u muuqata in aysan sahashanaynin cudurkani, qaadaysana talaabo kasta oo looga hortagi karo ama lagu xakamayn karo cudurkani dilaaga ah. Waxa ay dowladda haatan soo rogtay Bandow 21 maalmood soconaya oo habeenkii ahaa sida uu amar ku bixiyay madaxweynaha dalkaasi Yuweri Musavani.

Waxaa albaabada loo laabay goobaha cibaadada, baararka qamriga lagu cabbo, iyo suuqyada iyo dhammaan meelaha ay dadka isugu imaadaan.
Waxaa kale oo la xayiray dhaqdhaqaaqa faras-magaalada caasimadda mudadaas 21-ka maalmood ah, halkaas oo aysan jirin cid ka bixi karta ama soo geli karta.

“Haddii aad ku sugantahay degmooyinka Mubende iyo Kassanda, halkaaga iska jog 21-da maalmood ee soo socota” ayuu yiri Yuweri Musavani.
Wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa sheegtay in 19 qof ay u dhinteen cudurka, 58 kalena isbitaalada loo dhigay.

Madaxweyne Musavani ayaa dhanka kale mamnuucay in dadka dawo dhireedka wax ku daaweeya, isaga oo booliiska amray in ay soo xiraan qofkii lagu arko isaga oo dawo dhireed qof xanuunsan ku daaweynaya.

Waxaa sidoo kale booliiska la amray in ay soo xireen qofka laga helo astaamaha cudurka, haddana diida in uu karantiil galo.
Astaamaha Ebola ayaa waxaa ka mid ah xummad, mantag, dhiig iyo shuban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM