Bangiga Adduunka oo ka walaacsan deynta Shiinaha siiyo Afrika

Image
Waddamada soo koraya ayaa inta badan lacag ka soo amaahdaan dalal kale ama hay’ado kala duwan.

CAPE TOWN, South Africa - Guddoomiyaha Bangiga Adduunka ayaa BBC-da u sheegay in uu ka walaacsan yahay qaar ka mid ah deymaha Shiinuhu uu ku bixin bixinayo qaaradda Afrika.

David Malpass oo wareysi naadir ah bixiyey ayaa ka shanqariyey in geedi-socodka iyo shuruudaha deymaha China loo baahan yahay inay noqdaan "daah-furnaan dheeraad ah".

Hadalka Malpass ayaa kusoo beegmay iyadoo ay jirto walaac laga qabo in dalal ay ka mid yihiin Ghana iyo Zambia ay la halgamayaan sidii ay u bixin lahaayeen qaanta ay ka heleen Beijing.

China oo dhowrkii sano lasoo dhaafay kordhiyey saameyntiisa qaaradda ayaa shaaca ka dhigay in deyn kasta uu bixinayo lagu sameeyo xeerarka caalamiga ah.

Waddamada soo koraya ayaa inta badan lacag ka soo amaahdaan dalal kale ama hay’ado kala duwan si ay u maalgeliyaan waaxyaha dhaqaalahooda kobcin doona sida kaabayaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo beeraha.

Kor u kaca heerka dulsaarka ee Maraykanka iyo dhaqaalaha kale ee waaweyn sanadkii la soo dhaafay ayaa dib u bixinta amaahda ka dhigaya mid qaali ah sababo ku aadan qiimaha sare ee doolarka.

Waa dhibaato ba'an oo si gaar ah u leh wadamada dhaqaalahoodu soo korayo ee ku dhibtoon kara inay helaan lacagta dheeraadka ah ee loo baahan yahay maadaama qiimaha lacagtoodu hoos u dhacayso.

Sikastaba, waxaa halkaas fursad ka dhex arkay Shiinaha oo si macquul ah uga faa'iideystay. Hase ahaatee, waxaa haatan indhaha kala qaadey Mareykanka oo doonaya in uu saameyntaas dumiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM