Beer uu leeyahay madaxwaynihii hore Kenya oo la bilaliqeystay

Image
Dhacdadan ayaa qeyb ka ah rabshadaha dhowrkii bilood lasoo dhaafay ka taagnaa Nairobi.

NAIROBI, Kenya - Dadweyne fara badan ayaa lagu soo waramayaa in ay dab qabadsiiyeen qeybo ka mid ah beer ay leeyihiin qoyska madaxweynihii hore ee waddanka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Talaabadan ayaa waxaa lagu macneeyay in ay aargoosi u tahay maalin kale oo ay mucaaradka ay dhigayaan mudaaharaad ay uga soo horjeedaan dowladda madaxwayne William Ruto.

Goobta ay bilaliqada ka dhacdey ayaa ku taalla duleedka magaalada Nairobi waxaana la arkayaa dad soo dhowr neef xaday Ido ah, iyadoo hal nin uu sheegay inuu ku iibinayo lacag dhan $23 (£19).

Ma jirin wax booliis ah oo la arkay, qaar ka mid ah dadka dhaca geystayna waxay wateen baangado. Qaar kale waxay ahaayeen kuwo geedo jaraya, halka kuwa kale ay waxyaabo kale qaadanayeen.

Goobo ganacsi oo badan oo ka ag dhawaa beerta iyo bartamaha magaalada ayaa xirnaa isla waqtigaas. Waxaa sidoo kale la burburiyay warshad gaaska oo xiriir la leh hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga.

Odinga oo ay xulafo yihiin Mr Kenyatta ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday beerta madaxweynihii hore ay ka dambeeyeen kooxo tuugo ah oo ay dowladdu soo kireysteen. Dowladda Kenya ayaan ka hadlin eedeyntan.

Rabshadaha lasoo wariyo kadib doorashooyinka madaxtinimada ayaan ahayn wax ku cusub Kenya. Laakiin weerarrada lagu hayo hantida hoggaamiyeyaasha siyaasadda ayaa muujinaya isbeddel weyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM