Beeraley dishay wiil madow ah oo xukun adag lagu riday

Image

CAPTE TOWN, South Africa - Maxkamad ku taalla Koonfur Afrika ayaa min 18 iyo 23-sano oo xarig ah ku ridday labo beeraley cadaan ah kuwaasoo lagu helay in ay dileen wiil madow ah.

Pieter Doorewaard, oo 28-sano jir ah, iyo Philip Schutte, oo 35-sano jir ah, ayaa bishii April sanadka 2017-kii kharijiyay Matlhomola Mosweu, oo 15-sano jir ahaa.

Eedaysanayaasha ayaa lagu soo oogay in Marxuumka ay dileen markii uu beertooda kasoo goostay dalag, si xatooyo ah.

Arbacada maanta ah, Doorewaard ayaa garka loo geliyay 18-sano oo xabsi ah, halka Schutte lagu xukumay 23-sano.

Garyaqaan Ronald Hendricks ayaa tibaaxay in xukunka Doorewaard iyo Schutte uu yahay mid u dhigma dilka ay gesyteen.

Dhimashada Mosweu ayaa dhalisay rabshado iyo bilaliqo loo geystay xarumaha ganacsi oo ay lahaayeen ganacsatada cadaanka ah ee magaaladda Coligny.

Maalmo oo la waysanaa meydka Mosweu ayaa waxaa kadib soo helay Booliska, kahor inta aan lasoo xirin ragga falka sameeyay.

- "Fal naceyb ah" -

Garyaqaan Hendricks ayaa sheegay eedaysanayasha marka hore lagu helay dambi ah afduub iyo cabsi gelin.

"Dilka, shaki la’aan waa dambi halis ah…waad disheen isaga, kadibna waa tuurteen…ficilkiinu waa naceyb," ayuu raaciyay.

Qoyska uu kasoo jeedo wiilka la dilay ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamada, inkasta oo ay sheegeen in ay doorbidi lahaayeen in xabsi daa’in loo diro.

Inta badan kiisaska loo gudbiyo maxkamadaha Koonfur Afrika ayaa u badan shilal u dhaxeeya Baaraleyda cadaanka ah iyo dadka madowga ah ee danta yar.

Sanadkii 2016-kii, labo beeraley ayaa lagu xukumay 16 iyo 19-sano oo xarig ah markii lagu helay in ay jir dileen nin madow ah taasoo ay ka dhalatay caro qabsatay baraha bulshada markii muuqaal laga duubay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM