Boqor Salman oo dhex-dhexaadinaya Jabuuti iyo Eritrea [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

RIYADH, Saudi Arabia - Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la kulmay Boqorka Sacuudiga, Boqor Salman Bin C/casiis, sida uu xaqiijiyay Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf.

Kulanka oo ka dhacay magaalada ganacsiga Sacuudiga ee Jeddah, ayaa waxay labada hogaamiye uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo khuseeyay xiriirka labada dal, isbedelka ka socda gobolka Geesk Africa iyo colaadda u dhaxeysa Jabuuti iyo Eritrea.

Warar hoose uu Warsidaha Garowe Online uu helay ayaa sheegay in Boqor Salman uu ka shaqeynayo sidii heshiis looga gaari lahaa xiisadda Jabuuti iyo Eritrea, islamarkaana loo soo celin lahaa xiriirka labada dalka, oo 2008 ku dagaalamay muran dhanka xuduuda.

Madaxweyne Geelle ayaa u tagey Sacuudiga inuu ka qeybgalo munaasabad ay Madaxweynaha Eritrea iyo Ra'iisul Wasaaraha Eithiopia ku saxiixeen heshiiskii nabada ee Asmara ku gaareen July 2018, kaasoo lagu soo afjaray colaaddii 20-ka sano u dhaxeysay.

Garowe Online ayaa soo qoray dhawaan in Madaxweynaha Jabuuti uu Sacuudiga uga qeybgalayo saxiixa heshiiska Eritrea iyo Eithiopia, isagoo casuumaad usoo diray Boqor Salman. [Halkan ka akhri warbixin].

Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka Eritrea heshiiska la galay ayaanan lagu casuumin Madaxweynaheeda, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shirka Jeddah, iyadoo taasi loo sababeynayo khilaafka Muqdisho iyo Riyadh.

Sacuudiga ayaa kaalin lixaad leh ka qaadanaya dib u heshiisiinta Jabuuti iyo Eritrea xilli hogaamiyaasha dalalka ku yaalla gobolka ay ka shaqeynayaan inay dhameeyaan colaadahii gaamurey ee u dhaxeeyay, islamarkaana sameeyaan iskaashiga dhinac walba ah.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Hichilema oo mar kale ku guuleystay doorashada Zambia, mucaaradkana oo natiijada dacwad ka gudbinaya

Mundubile ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in natiijada doorashadu aysan “si dhab ah uga tarjumayn wixii ka dhacay doorashadan”.

  • Afrika

    19-08-2026

  • 06:03AM

Abiy Axmed: Itoobiya waxay noqotay maxbuus juqraafiyeed 

Itoobiya ayaa badeedii waysay markii Eritrea go'day 1993, iyadoo tallaabadaasi ay hadda ka shaleynayaan madaxda talada haysa.

  • Afrika

    14-08-2026

  • 12:10PM