Boqorka Holland oo raaligelin ka bixiyey kaalinta dalkiisa ee addoonsiga

Image
Waa qayb ka mid ah xisaabinta taariikhaha gumeysiga ee reer galbeedka ee sannadihii u dambeeyay kordhay.

NAIROBI, Kenya - Boqorka Holland Willem-Alexander ayaa raaligelin ka bixiyay doorkii uu dalkiisa ku lahaa addoonsiga, waxaana uu ku cafis weydiistay hadal uu ka jeediyay xaflad lagu xusayay sanadguuradii ka soo wareegtay markii la baabi’iyay addoonsiga.

Khudbadda boqorka ee Sabtidii ayaa daba socotay raaligelintii ra’iisul wasaaraha Holland Mark Rutte uu dabayaaqadii sannadkii hore ka bixiyay doorka dalkaas ee ganacsiga dadka iyo addoonsiga.

Waa qayb ka mid ah xisaabinta taariikhaha gumeysiga ee reer galbeedka oo sannadihii u dambeeyay ay soo abaabuleen dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter.

“Maanta waxaan taaganahay hortaada. Maanta, anigoo Boqorkaaga ah iyo Xubin ka tirsan Xukuumadda, waxaan raali-gelin ka bixinayaa nafteyda. Oo waxaan qalbigayga iyo naftayda ka dareemayaa culayska erayada," ayuu yiri.

Willem-Alexander ayaa waxa uu intaas kusii daray in uu u xilsaaray daraasad ku saabsan doorka saxda ah ee Aqalka Boqortooyada Orange-Nassau ee addoonsiga Nederland.

"Laakin maanta, maalintan xusuusta, waxaan cafis weydiisanayaa guuldarada cad ee ah in aan wax ka qabanno dembiga ka dhanka ah aadanaha," ayuu raaciyay.

Codka Willem-Alexander ayaa u muuqday mid si qiiro leh isku badalay markii uu dhameeyay khudbadiisa ka hor inta uusan ubax dhigin taallada qaran ee addoonsiga ee dalka oo ku taal beerta Amsterdam.

Addoonsiga waxaa lagu baabi'iyay Suriname iyo gumeysigii Nederland ee Kariibiyaanka bishii Luulyo 1, sanadka markii uu ahaa 1863, laakiin inta badan shaqaalihii la addoonsaday ayaa lagu qasbay inay sii wadaan ka shaqeynta beeraha muddo 10 sano oo dheeraad ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya Oo Ku Baaqday In Midowga Yurub Mudnaanta Siiyo La-dagaallanka Al-Shabaab

Kenya ayaa si xooggan u dalbanaysa in Midowga Yurub uu dib u eegis ku sameeyo istaraatiijiyaddiisa.

  • Afrika

    22-09-2025

  • 02:18PM

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM