Burkin Faso: Calanka Ruushka oo lagu arkay olole ka dhan ah France

Image
Dadweynaha ayaa ku qaylinayay erayo ay muujinayaan diidmo ka dhan ah joogitaanka xukuumadda Paris.

NAIROBI, Kenya - Kumanaan dibad-baxayaal ah ayaa isugu soo baxay caasimadda Burkina Faso ee Ouagadougou, si ay u taageersan yihiin xukuumadda talada haysa,sidda ay warisay saxaafada.

Isu-soo-baxan ayaa waxa uu kusoo hagaagay maalmo kaddib markii Faransiiska uu xaqiijiyay in ciidamadooda ku sugan waddanka aan bad lahayn ee Afrika ay isaga bixi doonaan.

Dibad-baxayaashu waxay wateen boorar ay ku qoran yihiin hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin "Ha dhacdo siyaasadda Faransiiska ee Afrika" iyo "Horumarinta madaxbanaanida Burkina Faso".

Qaar kamid ah dadweynaha mudaaharaadka kasoo muuqdey ayaa watay calanka Ruushka. Tani waxay warbaahinta reer galbeedka ay ku sheegeen mid muujineyso in Moscow ku lug-leedahay waxa dhacaya.

Faransiiska ayaa waxa uu leeyahay ciidamo gaar ah oo fadhigoodu yahay Ouagadougou, balse joogitaankooda waxaa soo food-saarey culeys kadib markii uu kordhay nacaybka Paris ee gobolka.

Paris ayaa xaqiijisay usbuucan in ciidamada oo loo diray inay gacan ka geystaan ​​la dagaallanka falaagada xagjirka ah ee taageersan Al-Qaacida ay ku bixi doonaan bil gudaheed.

Go'aan ayaa ah caro ka dhalatay markii dowladda millatariga hogaaminayaan ay ku guuldarraysatay inay baajiso weerarada socda tan iyo 2015-kii kuwaasoo sii huriyay laba afgambi oo Burkina Faso ka dhacay sannadkii hore.

Falalka Rabshadaha ay geysanayaan fallaagada xiriirka la leh Al-Qaacida iyo Daacish ayaa waxaa ku dhintay kumannaan qof iyadoo ku dhawaad ​​laba milyan oo kalena ay ku qasbeen inay ka cararaan guryahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM