Burkina Faso: In ka badan 170 qof oo lagu dilay todobaad gudahiisa

Image
Burkina Faso ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii waxa ay la daalaa dhacaysay kacdoon hubeysan.

NAIROBI, Kenya - Ku dhawaad ​​170 qof ayaa waxaa lagu "dilay" weerarro lagu qaaday saddex tuulo oo ku yaal waqooyiga Burkina Faso toddobaad ka hor, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Dacwad oogaha gobolka ayaa Axaddii sheegay in ay bilaabeen baaritaan dheeraad ah iyadoo rabshadaha jihaad doonka ah ay ka socdaan waddanka aan qeyb ahaan ku jirin gacanta dowladda.

Isla maalintaas, 25-kii Febraayo, weeraro kala duwan oo lagu qaaday masaajid ku yaal bariga Burkina iyo kaniisad Katoolik ah oo ku taal waqooyiga ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kale.

Aly Benjamin Coulibaly waxa uu sheegay in uu helay warbixino ku saabsan weeraradii lagu qaaday tuulooyinka Komsilga, Nodin iyo Soroe ee gobolka Yatenga 25-kii February, iyada oo tirada ku-meel-gaadhka ah ee la dilay ay gaadhayso 170 qof.

Coulibaly oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in xafiiskiisa uu amray in baaritaan lagu sameeyo, wuxuuna ka codsaday shacabka inay xog ka helaan.

Dadkii ka badbaaday weerarradaas ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tobanaan haween iyo carruur yaryar ah ay ka mid ahaayeen dhibanayaasha.

Burkina Faso ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii waxa ay la daalaa dhacaysay kacdoon ay wadaan fallaagada ka soo jeeda dalka ay deriska yihiin ee Mali.

Rabshadaha ayaa dilay ​​20,000 oo qof halka in ka badan laba milyan ay ku barakaceen Burkina Faso, oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka ee ku yaal gobolka Saaxil, gobol ay xasillooni darro ka jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM