Burkina Faso: In ka badan 170 qof oo lagu dilay todobaad gudahiisa

Image
Burkina Faso ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii waxa ay la daalaa dhacaysay kacdoon hubeysan.

NAIROBI, Kenya - Ku dhawaad ​​170 qof ayaa waxaa lagu "dilay" weerarro lagu qaaday saddex tuulo oo ku yaal waqooyiga Burkina Faso toddobaad ka hor, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Dacwad oogaha gobolka ayaa Axaddii sheegay in ay bilaabeen baaritaan dheeraad ah iyadoo rabshadaha jihaad doonka ah ay ka socdaan waddanka aan qeyb ahaan ku jirin gacanta dowladda.

Isla maalintaas, 25-kii Febraayo, weeraro kala duwan oo lagu qaaday masaajid ku yaal bariga Burkina iyo kaniisad Katoolik ah oo ku taal waqooyiga ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kale.

Aly Benjamin Coulibaly waxa uu sheegay in uu helay warbixino ku saabsan weeraradii lagu qaaday tuulooyinka Komsilga, Nodin iyo Soroe ee gobolka Yatenga 25-kii February, iyada oo tirada ku-meel-gaadhka ah ee la dilay ay gaadhayso 170 qof.

Coulibaly oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in xafiiskiisa uu amray in baaritaan lagu sameeyo, wuxuuna ka codsaday shacabka inay xog ka helaan.

Dadkii ka badbaaday weerarradaas ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in tobanaan haween iyo carruur yaryar ah ay ka mid ahaayeen dhibanayaasha.

Burkina Faso ayaa tan iyo sanadkii 2015-kii waxa ay la daalaa dhacaysay kacdoon ay wadaan fallaagada ka soo jeeda dalka ay deriska yihiin ee Mali.

Rabshadaha ayaa dilay ​​20,000 oo qof halka in ka badan laba milyan ay ku barakaceen Burkina Faso, oo ka mid ah dalalka ugu saboolsan adduunka ee ku yaal gobolka Saaxil, gobol ay xasillooni darro ka jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM