Burkina Faso: In ka badan 30 askari oo lagu dilay weerar gaadmo ah

Image
Dalka ku yaal galbeedka Afrika ayaa diiwaan geliyay 1,135 dhimasho oo loo aanaynayo argagixisada sanadkii 2022.

NAIROBI, Kenya - Dabley aan la aqoonsan ayaa 42 askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka Burkina Faso ku dilay weerar gaadmo ah oo Axaddii todobaadkan ka dhacay waqooyiga dalkaasi.

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska milatariga ayaa waxaa lagu sheegay in la beegsaday xarun ay ku sugnaayeen maleeshiyaad mutadawiciin ah oo ku yaalla degmada Yatenga.

Toban askari iyo 32 maleeshiyaad mutadawiciin ah ayaa naftooda ku waayey iska horimaadka. "Wadarta 33 qof ayaa ku dhaawacantay ugu yaraan 50 argagixsadana waa laga takhalusay," ayuu xusay taliska.

Burkina Faso ayaa weli waxaa hareeyay amni darro iyo weeraro argagixiso oo soo laab-laabtey, taasoo ay ugu wacan tahay colaadda ka oogan dalka ay deriska yihiin ee Mali.

Toddobaadkii hore, ugu yaraan 44 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay laba weerar oo argagixiso oo ka dhacay waqooyiga Burkina Faso gaar ahaan gobolka Saaxil.

Milateriga Burkina Faso ayaa qaatay go'aan u ogolaanaya dowladda inay adeegsato "dhammaan siyaabaha lagama maarmaanka ah" iyo "abaabulka guud" si loola dagaallamo weeraradda.

Kabtan Ibrahim Traore oo ah hogaamiyihii millatariga ee ku meel gaarka ahaa ayaa qorsheeyey in uu dib u qabsado 40% dhulka ay ka taliyaan kooxaha muqaawamada.

Dalka ku yaal galbeedka Afrika ayaa diiwaan geliyay 1,135 dhimasho oo loo aanaynayo argagixisada sanadkii 2022, taasoo ah koror 50% marka la barbar dhigo 2021, sidda ku xusan 2023 Global Terrorism Index.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM