Burkina Faso: In ka badan 50 haween ah oo la qafaashay

Image
Tiro yar ayaa u suurtagashay in ay baxsadaan kadib markii ay qaylo-dhaamiyeen.

NAIROBI, Kenya - Ku dhawaad ​​50 haween ah ayaa la sheegay in kooxo jihaad-aloos-ah ay ka afduubteen waqooyiga waddanka Burkina Faso ee qaaradda Afrika, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Dadka degaanka Arbinda ayaa xusay in laba kooxood oo haween ah la kaxaystay xilli ay ku maqnaayeen ururinta caleemaha iyo miraha duurjoogta ah sababtoo ah cunto yari daran aawadeed.

"Tiro yar ayaa u suurtagashay in ay baxsadaan kadib markii ay qaylo-dhaamiyeen," ayay BBC-da ksoo xigatay qaar kamid ah dadweynaha iyo mas'uuliyiinta maxaliga ah.

Afduubyadan ayaa dhacay maalmihii Khamiista iyo Jimcihii, balse hadda ayaa warku soo baxay, maadaama inta badan deegaanka ay go’doomiyeen kooxo Islaamiyiin ah.

Arbinda oo ka tirsan gobolka saaxil ayaa waxaa si ba’an u saameeyay falaagada hubeysan. Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa ayaa waxaa go’doomiyay mitidiinta.

Gaajo daran ayaa ka jirta maadaama sahayda raashinka ay tahay mid xadidan, xaalada bini’aadantina ay tahay mid quus ah. Bishii hore, dibad baxayaasha Arbinda ayaa jabsaday bakhaarro si ay cunto iyo sahay uga helaan.

Guud ahaan Burkina Faso ayaa waxaa hareeyay kacdoono toban sano socday oo ay ku barakaceen ku dhawaad ​​laba milyan oo qof. Milateriga ayaa xukunka la wareegay bishii Janaayo ee la soo dhaafay 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM