Burkina Faso: In ka badan 50 haween ah oo la qafaashay

Image
Tiro yar ayaa u suurtagashay in ay baxsadaan kadib markii ay qaylo-dhaamiyeen.

NAIROBI, Kenya - Ku dhawaad ​​50 haween ah ayaa la sheegay in kooxo jihaad-aloos-ah ay ka afduubteen waqooyiga waddanka Burkina Faso ee qaaradda Afrika, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dalkaasi.

Dadka degaanka Arbinda ayaa xusay in laba kooxood oo haween ah la kaxaystay xilli ay ku maqnaayeen ururinta caleemaha iyo miraha duurjoogta ah sababtoo ah cunto yari daran aawadeed.

"Tiro yar ayaa u suurtagashay in ay baxsadaan kadib markii ay qaylo-dhaamiyeen," ayay BBC-da ksoo xigatay qaar kamid ah dadweynaha iyo mas'uuliyiinta maxaliga ah.

Afduubyadan ayaa dhacay maalmihii Khamiista iyo Jimcihii, balse hadda ayaa warku soo baxay, maadaama inta badan deegaanka ay go’doomiyeen kooxo Islaamiyiin ah.

Arbinda oo ka tirsan gobolka saaxil ayaa waxaa si ba’an u saameeyay falaagada hubeysan. Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa ayaa waxaa go’doomiyay mitidiinta.

Gaajo daran ayaa ka jirta maadaama sahayda raashinka ay tahay mid xadidan, xaalada bini’aadantina ay tahay mid quus ah. Bishii hore, dibad baxayaasha Arbinda ayaa jabsaday bakhaarro si ay cunto iyo sahay uga helaan.

Guud ahaan Burkina Faso ayaa waxaa hareeyay kacdoono toban sano socday oo ay ku barakaceen ku dhawaad ​​laba milyan oo qof. Milateriga ayaa xukunka la wareegay bishii Janaayo ee la soo dhaafay 2023-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM