Burkina Faso: Kooxo argagixisa ah oo dad badan diley

Image

Madaxweynaha wadanka Burkina Faso ayaa sheegey in weerarkaas dagaal daba socdey ciidamada wadankaas iska hor'imaad dhexmarey ku dileen 80 kamid ah kooxahaas..

BURKINA FASO - Ugu yaraan 35 qof oo rayid ah ayay kooxaha xagjiriinta ah ku dileen weerarkaan kuwaas intooda badan ahaa dumar. 

Weerarkaan, oo ka dhacey magaalada la yiraahdo Arbinda gobolka Saaxil islamarkaana ku dhow xuduudka dalka Mali ayaa socdey dhowr saacadood.

Burkina Faso ayaa sheegtey in weerarkaan ay kaga dhinteen 7 askari.

Kooxahaan ayaa horey uga soo talaabi jirey xuduudka  Burkina Faso la leedahay Mali balse waxaa Dowlada wadankaas ku cusbaa cadadka dadka rayidka ah ay kooxahaan dileen. 

"Talaabada geesininada ah ay qaadeen ciidamadeena ayaa suurgaliyey in kooxahaan laga dilo 80 kamid ah argagixisada," sidaas waxaa yiri Madaxweyne Roch Marc Christian Kabore. " Weerarkaan waxashnimada ah ayaa lagu diley 35 qof oo rayid ah, kuwaas oo intooda badan ay dumar ahaayeen."

Lama oga sababta weerarkaan loogu diley tiro dumar ah oo intaas leeg iyo goobta markaas ay ku sugnaayeen.

Mas'uuliyada weerarkaan weli kooxahaan ma sheegan kuwaas oo inta badan ka aamusa marka dhimashada dadka rayidka kor u kacdo.

Weerarada noocaan ah oo inta badan ka dhaca Woqooyiga dalkaas ayaa barakiciyey dad lagu qiyaasey Nus Malyuun, sida laga soo xigtey hay'adaha qaramada midoobey.

Ugu yaraan 37 rayid ah ayaa bishii la soo dhaafey lagu diley Barriga dalkaas kadib markii kooxaha argagixisada weerar lama filaan ah ku qaadeen gawaari ay la socdeen shaqaale u shaqeeya shirkad macdanta baarta oo laga leeyahay dalka Canada.

Dalka Burkina Faso ayaa horey uga badqabey weerarada kooxahaan kuwaas oo dagaaalo ba'an ka wada wadamada dariska la ah wadankaas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Bamako oo go’doon la geliyay, kooxo hubeysan oo raba inay la wareegaan caasimadda Mali

Goob-joogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex ka mid ah lixda waddo ee waaweyn ee gala caasimadda.

  • Afrika

    30-04-2026

  • 07:47PM

Xaaladda Dalka Mali oo La Xakameeyay Kadib Weerarro Waaweyn Oo Gilgilay

Weerarradan ayaa noqday kuwii ugu ballaarnaa ee Mali ka dhaca ku dhowaad 15 sano, iyadoo laba kooxood oo hore isu hayay.

  • Afrika

    29-04-2026

  • 01:15PM