Burkina Faso: Tobaneeyo qof oo lagu toogtay gudaha masaajid

Image
In ka badan saddex meelood meel Burkina Faso waxaa gacanta ku haya fallaago Islaamiyiinta ah.

NAIROBI, Kenya - Tobaneeyo qof ayaa lagu toogtay gudaha masaajid kadib markii dabley kale ay bartilmaameedsadeen kaniisad, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Burkina Faso.

Sidda laga soo xigtay goobjoogeyaal iyo muuqaalo ku faafay internet-ka, Salaadii subaxnimo ayay ahayd markii dableyda ay isku gadaameen masaajidka magaalada Natiaboani.

“Dadka la laayay waxay dhamaantood ahaayeen Muslimiin, waxayna u badnaayeen rag,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

In ka badan saddex meelood meel Burkina Faso ayaa hadda waxaa gacanta ku haya fallaagada Islaamiyiinta ah iyadda oo qeyb kalana ay maamulaan ciidamadda afgembiga sameeyay.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa looga shakisan yahay in ay yihiin dagaalyahano Islaamiyiin ah oo sidoo kale beegsaday askar iyo maleeshiyaad is-difaac ah oo ku sugnaa goobtaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan

RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah.

  • Afrika

    28-07-2026

  • 08:16AM

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM