Burkina Faso: Tobaneeyo qof oo lagu toogtay gudaha masaajid

Image
In ka badan saddex meelood meel Burkina Faso waxaa gacanta ku haya fallaago Islaamiyiinta ah.

NAIROBI, Kenya - Tobaneeyo qof ayaa lagu toogtay gudaha masaajid kadib markii dabley kale ay bartilmaameedsadeen kaniisad, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta Burkina Faso.

Sidda laga soo xigtay goobjoogeyaal iyo muuqaalo ku faafay internet-ka, Salaadii subaxnimo ayay ahayd markii dableyda ay isku gadaameen masaajidka magaalada Natiaboani.

“Dadka la laayay waxay dhamaantood ahaayeen Muslimiin, waxayna u badnaayeen rag,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

In ka badan saddex meelood meel Burkina Faso ayaa hadda waxaa gacanta ku haya fallaagada Islaamiyiinta ah iyadda oo qeyb kalana ay maamulaan ciidamadda afgembiga sameeyay.

Kooxda weerarka soo qaaday ayaa looga shakisan yahay in ay yihiin dagaalyahano Islaamiyiin ah oo sidoo kale beegsaday askar iyo maleeshiyaad is-difaac ah oo ku sugnaa goobtaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM