Cabdi Illey oo ka hadlay Dacwadaha ay dowladda Itoobiya kusoo oogtay

Image

JIGJIGA - Madaxwaynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida, Cabdi Maxamuud Cumar [Cabdi Illay] ayaa mar kale shalay kasoo muuqday maxkamada darajada 4aad ee dambiyada Itoobiya, xarunteeda Addis Ababa.

Cabdi Illay oo si wayn loo sugayey amnigiisa ayaa u sheegay Garsoorayaasha in eedaymaha ka dhanka isaga iyo 46 kale oo kamid ahaa maamulkiisa "ay yihiin been lasoo dhoodhoobay, oo aanan la hayn sal iyo baar".

"Waa dacwad lasoo meeriyay oo uu keenay xeer-ilaaliyaha guud," ayuu Cabdi hadalkiisa ku daray, isaga oo umuuqda mid dalbanaya in dacwad-oogaha guud ee Itoobiya uu la yimaado caddeymo fahfaahsan.

Gal-dacwadeedyada ayaa loo gudbiyay maxkamada 30-kii bishii hore ee Janaayo, balse, lama hor-akhrin fadhigii maanta sababo ku aadan inay maqnaayeen qareenadii difaacayey.

Waxyaabaha loo haysto Cabdi waxaa kamid ah kicin dadwayne, xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda beni’aadamka iyo inuu isku dayey baalmarista dastuurka, oo uu madax banaani ku dhaqaaqo maalmihii ugu dambeeyay xukunkiisa.

"Aniga waxaan u aqoon-sanahay eedaymaha kuwa si ola kac ah loosoo dhoodhoobay oo been ah," ayuu Maxamuud daba dhigay hadalkiisa sida ay kasoo xigatay jariirada Addis Standard.

Kaliya 6 xubnood, oo kamid ah 47 eedaysane, ayaa hadda ku jira gacanta Booliska ah, kuwaasi oo ay kamid yihiin; Cabdi Illay, Raxma Maxamed Haybe, madaxii hore ee arrimaha Haweenka, Cabdirisaaq Saxane Cilmi, madaxii hore ee arrimaha Diyaas-barada, Farxaan Tahiir, madaxii hore ee Booliska DDSI iyo labo shaqsi kale – Warsame Cabdi iyo Guuleed Cabel.

Dacwad-oogayaasha ayaa u sheegay maxkamada inay ka shaqeynayaa sidii ay cadaalada u horkeeni lahaayeen xubnaha maqan, balse ma aysan shaacin goorta ay ku dhaqaaqayaan howshaasi.

27-da bishaan Febraayo ayaa loo balamay inay qabsoonto dhageysiga kale ee dacwada loo haytso Cabdi Illay iyo eedaysanayaasha kale, markaasi oo ay gudbin karaan codsi walba oo dhaxal-gal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM