Cabdi Illey oo markii 3aad Maxkamad lasoo taagey [Sawirro]

Image
Image

ADDIS ABABA - Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar [Cabdi Illey], ayaa maanta markii saddexaad lasoo taagey Maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalkaasi.

Xubno katirsan qoyskiisa, eheladiisa iyo qareenno u doodaya ayaa ka qeybgalaya dhageysiga Maxkamadda ay dhageysanayso dacwadaha loo haysto Cabdi Illey, iyadoo aan la ogeyn in maanta go'aan laga gaari doono.

Cabdi Illey ayaa lagu xiray Addis Ababa bishii lasoo dhaafay ee August, maalmo kadib markii uu xilka iska casiley, sidoo kalena Baarlamaanka dowlad degaanka uu ka qaadey isaga iyo mas'uuliyiin kale xasaanadda.

Waxaa lagu soo eedeeyay Cabdi Illey xad-gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kicinta rabshadihii ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale, oo u dhaxeeyay qowmiyadaha degan DDSI iyo musuq-maasuq.

Kiisaskan oo aad u culus, ayaa hadii lagu helo Cabdi Illey waxaa la sheegay inuu ku muteysan karo xabsi sanado badan ah, waxaana uu dhawaan codsaday in la cafiyo, isagoo baaqaas u diray Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha cusub ee DDSI, Mustafa Maxamed ayaa markii uu xilka la wareegay balan-qaadey in cadaaladda la marsiin doono cid walba oo dembi ka gashay shacabkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM