Cabsi ka dhalatay qof looga shakiyey Coronavirus oo baxsaday

Image

HARARE, Zimbabwe – Muwaadin u dhashay wadanka Thailand oo looga shakiyey Coronavirus ayaa ka baxsaday isbitaal ku yaala caasimadda Zimbabwe ee Harare, sidda ay qortay warbaahinta dowlada.

Shaqsiga fakaday oo magaciisa aan la shaacin ayaa waxaa qorshuhu ahaa in baaritaan caafimaad la marsiiyo kahor inta uusan baxsan.

Laamaha ammaanka dalkaas ayaa waxaa la faray in ay soo qabtaan ruuxaas, oo ilaa iyo haatan aan la ogayn halka uu jaan iyo cirib dhigay.

Dalkan dhaca koonfurta qaarada Afrika ayaanan wali laga helin xanuunkaas, wallow deriskooda Koonfur Afrika laga xaqiijiyey kiisas gaaraya todoba tan iyo 9-kii bishaan Maaj sanadkan 2020-ka.

Muwaadiniinta Zimbabwe oo baraha bulshada kaga falceliyey fakashada qofkaas ayaa waxay muujiyeen cabsi baaxad leh iyo walaac badan.

Dhacdadaan ayaa timid iyaddoo dowlada ay heegan gelisay Hay'addaha Caafimaadka isla markaana la xoojiyey ololaha ka hortaga.

Inta badan dalalka qaarada Afrika ee caabuqaan dilaaga ah laga xaqiijiyey waxaa soo gaarsiiyey dad ku yimid diyaarad, halkaasoo la sheegay in ay tahay qaabka kaliya ee cudurka uu sida ugu fudud ugu faafo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM