Cabsida laga qabo in Al-Shabaab beegsato diyaarad oo xoogeysatay

Image

NAIROBI, Kenya – Hay'adda Federaalka ah ee Duulista Hawada Mareykanka [FAA] ayaa todobaadkan diyaaradaha waddankaas kaga digay in ay adeegsadaan hawada Kenya, sidda ay qortay saxaafadda maxaliga ah.

Mareegga Ureport ayaa daaha ka rogay in digniinta ay la xiriirto cabsi laga qabo in ay diyaaraduhu bartilmaameed u noqdaan maleeyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh Al-Qaacidda.

War qoraal ah oo kasoo baxay FAA ayaa lagu xusay in xoogaga hubeysan ay casriyeeyeen hubkooda isla markaana ay ugu yaraan awood u leeyihiin in ay beegsadan diyaaradaha bartilmaameedka u noqon kara.

Wallow ay aqoonsatay dedaalada mas'uuliyiinta ammaanka, FAA ayaa tibaaxday in walaaca iyo cabsida laga qabo in kooxdu bartilmaameedsato diyaaradaha ay kordhiyeen weeraradii Manda Bay iyo Dusit.

Sidda ku cad bayaanka, digniinta ayaa la xiriirta nawaaxiga xadka Soomaaliya iyo Kenya oo ay joogitaan badan ku leeyihiin xubnaha Al-Shabaab.

"Garoomada diyaaradaha Jomo Kenyatta iyo Moi qeyb kama ahan goobaha loogu talagalay digniinta duulimaadka," ayuu raaciyey war-saxaafadeedka.

Khamiistii, safaarada Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa si lamid ah ka digtay weerar argagagixiso oo loo maleegayo huteel caan ah.

Inkastoo aanan lasoo bandhigin magaca huteelkaas, haddana waxaa lagu sheegay mid ay inta badan tagaan dalxiiseyaasha iyo ganacsatadda. Laamaha ammaanka ayaana la geliyey heegan aad u sareeyo si loo baajiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM