Cagjar oo sababeeyay taageeradooda gulufka ka dhanka ah Tigreeyga

Image

JIGJIGA, Soomaali Galbeed – Madaxweynaha Kilinka Shanaad, Mustafa Muxumed Cumar [Cagjar], ayaa Arbacada maanta ah wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay taageersan yihiin gulufka militari ee ka dhanka ah xisbiga Tigreeyga.

Cagjar oo war-fidiyeenka kula hadlay xafiiskiisa ayaa ku eedeeyay TPLF in ay "gumeysan jireen shacabka Soomaalida intii ay xukunka hayeen".

"TPLF isku daygan cusub oo ay bilowday waxaa kaga horeeyay in ay colaado ka hurineysay dhamaan degaanada kale ee dalka oo habeen iyo maalin walba ay ku dhimanayeen dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan iyaddoo ujeedadu ay ahayd markii hadii xukunkii aan ka tagnay cid kale oo nooga dambeysa oo meesha sii maamusha yeynaan jirin," ayuu ka shanqariyey.

Cagjar ayaa intaas ku daray: "Labadii sano ee ugu dambeysay degaanka Soomaalida TPLF way ka waday isku dayo noocaas waxaana looga hortagay feejignaanta hay'addaha amniga iyo shacabka degaanka oo aan ilowsaneyn hagar-daamadii, dilkii, kufsigii iyo dhibaatadii ay TPLF u geysatay".

"Dowladihii soo maray dalka ee xiriirka aan la lahayn TPLF waxay ahayd tii ugu xumeyd taariikhda," ayuu ku nuux-nuuxsaday hogaamiyaha.

Hay'addaha ammaanka degaanka ayuu cod dheer ku faray in ay galaan hegaan si ay uga hortagaan "hagar-daamooyinka kaga imaanaya Tigreeyga" isagoo xusay in ay maalmaha soo aadan soo saari doonan awaamiir kale oo horleh.

Dhanka kale, Cagjar oo xusay in Itoobiya ay gashay xaalad dagaal ayna dadka la wadaagi doonan xog walboo soo kororta ayaa hoosta ka xariiqay in ay talaabo laga qaadayo cidii isku dayda in ay ka faa'iideysato mar-xalada taagan.

Wallow uusan magacyo sheegin, haddana wuxuu tibaaxay in aysan aqbali doonin in la iska hor-keeno diimaha iyo qowmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

"Shacabka xaq buu u leeyahay in uu ilaha ka madaxbanaan ka raadsado macluumaadka, balse waxyaabaha la xiriira kicinta iyo iska-hor-keenikaanka qowmiyadaha ku nool degaanka Soomaalida wax alaala wax loo dulqaadanayo ma jirto; si adag hay'addaha amniga iyo bileyska waxaan u amrayaa in cidii isku dayda in ay fursad u aragto maanta ay qalalaase kaga keeni karto degaanka Soomaalida in ay talaabo ka qaataan," ayuu ka dhawaajiyey madaxweynaha DDS.

Ra'iisul wasaare Abiy Axmed ayaa ciidamada milatariga Itoobiya faray in ay ku duulaan gobolka Tigreeyga isla markaana ay badbaadiyaan midnimada dalka. Tani waxay ka dambeysay markii xoogaga TPLF weerareen fariisinta ciidanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ruto Oo Furaya Bogga Cusub ee Horumarka Kenya

Sida uu sheegay Ruto, khubaradu waxay soo gabagabeeyeen in Kenya ay hal jiil gudihiis ku noqon karto dal hodan ah.

  • Afrika

    01-08-2026

  • 06:25AM

Askar Kenyan ah lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay xadka Soomaaliya

Iska horimaadka ayaa ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ku dhaw magaaladda Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    29-07-2026

  • 09:27AM