Caro ka dhalatay madaxwayne u daawasho tagaya koobka aduunka

Image
Hogaamiyahan oo horey u soo ahaa ciyaaryahan ayaa talaabadan qaadaya xilli dadkiisu wajahayaan cunto yari.

MONROVIA, Liberia - Madaxweynaha Liberia George Weah ayaa ku wargeliyay Aqalka Senate-ka ee waddankaas inuu qorsheynayo inuu muddo sagaal maalmood ku sugnaado Qatar si uu u daawado ciyaaraha kubadda cagta adduunka.

Mr Weah- oo ahaa ciyaaryahankii hore ee kubadda cagta - ayaa dalka ka dhoofay todobaadkii hore isagoo safaro badan oo dibadda ah ku tagay, balse lama shaacin dhammaan qorshayaashiisa.

Wiilkiisa Timothy, oo Mareykan ah, ayaa ka mid noqon doona xulka Mareykanka ee ka qeyb galaya tartanka Koobka Adduunka, kaasoo bilaaban doona 20-ka November.

Weah ayaa u soo ciyaaray kooxaha ugu sareeya Yurub oo ay ku jiraan AC Milan iyo Chelsea. 56-jirkan ayaa shaqadiisa ka wareegay, waxaana loo doortay madaxweynaha Liberia sannadkii 2017-kii.

Wararka ku saabsan safarka madaxweynaha ee dalka dibadiisa ayaa ka caraysiiyay dad badan oo reer Liberia ah, qaarkood waxaa ay ka dhaliileen barnaamijyo idaacadaha iyo baraha bulshada.

Waxa ay sheegeen in aan laga fiirsan doonin in madaxweynaha uu tago Qatar xilli dad badan ay la tacaalayeen cunto yari curyaamisay, iyo hubanti la’aanta ku aaddan qabsoomida tirakoobka dadka oo dib u dhac weyn ku yimid, kaasoo Mr Weah uu dib u dhigay dhawaan markii lixaad.

Shaqaalaha Mr Weah - oo aan ka jawaabin su'aalaha ku saabsan kharashka safarka - ayaa dib u weeraray dadka dhaleeceynaya, iyagoo sheegay in booqashooyinka dibadda ee madaxweynaha ay "u soo saari doonaan faa'iido badan" dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM