Caro ka dhalatay mudane ku kaftamay xiliga caadada dumarka

Image
Xildhibaanka ayaa tusaalahan soo qaatay xilli uu doonayay in uu difaaco haweenay.

NAIROBI, Kenya - Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa buuq iyo sawaxan ka dhex abuuray fadhiga golaha iyo baraha bulshada, kaddib markii uu jeediyay hadal u muuqday mid ku sarbeebayo in sababta haweenay loo soo magacaabay xil wasiirnimo dib loogu celiyay ay tahay iyadoo laga yaabo inay ku jirto xilliga caadada.

Peninah Malonza waxa ay u sharaxan tahay jagada Wasiirka Dalxiiska, Duurjoogta iyo Dhaxalka waxaana guddi baarlamaani ah ay ku taliyeen in la diido.

Fadhi ay yeesheen baarlamaanka oo dhan ayaa si kastaba ha ahaatee meesha looga saarey diidmadaas, waxaana hadda loo fasaxay in loo magacaabo jagadaas.

Guddiga ansixinta baarlamaanka ayaa sheegay in go’aanka lagu diiday Ms Malonza uu ahaa kadib markii ay ku guuldareysatay inay guddiga u soo bandhigto aqoonta ay u leedahay arrimaha wasaaradda.

Isaga doonaya in uu difaaco Ms Malonza, xildhibaanka sheegay hadalka buuqa dhaliyey ayaa si kaftan ah ugu dhaleeceeyay xubnaha guddiga ansixinta in ay wasiirada ka weeyaan soo jiidasho "maadaama laga yaabo in ay ku jirtey waqtiga caadada". 

"Diidmada waa in ay ahaataa arrimo muhiim ah... ma aha arrimaha soo jeedinta guddiga, laga yaabee in aysan si fiican u labisan, laga yaabee in ay ku jirtay xilliga caadada," ayuu yiri xildhibaan Silvanus Osoro.

Haweeney sharci-dejiye ah oo ka carootay dhawaqaas ayaa ugu baaqday xildhibaannada inay ka fogaadaan ​​arrimaha noocaan ah ee "jees jeeska ah marka ay ka doodayaan kartida haweenka".

"Kuma lifaaqi kartid arrimaha haweenka dareenkeena, shucuurteena, caadada, iyo maalintaas ma aynaan kqsoo toosin dhinaca midig ee sariirta, taasina waa sababta aanan si sax ah uga jawaabin su'aalaha," ayay tiri xildhibaan Naisula Lesuuda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

South Sudan: Riek Machar oo Lagu Eedeeyay Dil, Khayaano Qaran iyo Dembiyo kale

Dagaalka sokeeye ee Koonfurta Suudaan ayaa billowday sanadkii 2013, kaddib markii Salva Kiir uu xilka ka qaaday Machar.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 01:39PM

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM